HomeWararAkhriso:-Khasaaraha ka dhashay Qarixii Ex-Koontarool Afgooye

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay Qarixii Ex-Koontarool Afgooye

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa isa soo taraya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee dhashay Qaraxii saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ex-Koontarool, kaasi oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa. Isbitaalada ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dad qaba dhaawacyo kala duwan iyo Meydad badan oo weli la aqoosan la’yahay, waxaana Mashquul uu ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa isa soo taraya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee dhashay Qaraxii saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ex-Koontarool, kaasi oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Isbitaalada ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dad qaba dhaawacyo kala duwan iyo Meydad badan oo weli la aqoosan la’yahay, waxaana Mashquul uu ka jiraa gudaha Isbitalada Magaalada oo ay buux dhaafiyeen Ehelado dad ay ka maqan yihiin.

- Advertisement -

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas ay ku ku dhinteen 73-ruux, halka 53 qof kalena ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay  in tiradaas lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Sidoo kale ku dadka dhintay qaraxa ayaa waxaa ku jiray Arday u socotay goobo waxbarasho, waxaana kamid ahaa Arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana gaarigii ay saarnaayeen uu nqodo mid gebi ahaan gubtay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in tirada Khasaaraha ka dhashay  qaraxaas ay intaas ka badan tahay, waxaana weli Isbitaalada ka socda gurmad xoog leh oo loo sameeynayo dadkii saakay waxyeelada soo gaartay.

- Advertisement -

Safiirka dowladda Turkiga ee u fadhiga Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in qaraxii saakay ay uga dhinteen laba ruux oo u dhashay dowladda Turkiga, kuwaasi oo Isgoyska Ex-koontarool marayay xiliga uu qaraxa dhacayay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts