HomeWararGuddoomiyaha Aqalka Sare oo kulan la yeeshay Safiirka UK ee Somalia

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kulan la yeeshay Safiirka UK ee Somalia

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender. Kulanka Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka, sharciyada hortebinta leh ee horyaalla Golaha Aqalka sare, xiriirka dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Kulanka Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka, sharciyada hortebinta leh ee horyaalla Golaha Aqalka sare, xiriirka dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

- Advertisement -

Guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Aqalka sare uu wado dardar gelinta sharciyada hortebinta leh ee horyaalla Golaha.

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay qaabilaadiisa, isagoo ku ammaanay dardar gelinta howlaha muhiimka u ah dalka.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dib usoo celinta Amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts