HomeCaalamkaMareykanka oo ku dhawaaqay Arrin ka dhan ah Sacuudiga

Mareykanka oo ku dhawaaqay Arrin ka dhan ah Sacuudiga

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Dhammaan tababbarka  shaqaalaha milatari ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kana socda gudaha dalka Mareykanka aya la joojiyay illaa amar dambe, ka dib kolkii arday u dhashay dalkasi uu xarun ciidan oo ku taalla gobolka Florida uu ku dilay saddex badmaax oo Mareykan ah.

Go’aanka ka soo baxay xarunta Gashaandhigga Pentagon-ka wuxuu saameyn ballaaran ku yeelan doonaa shaqaalaha Sacuudiga,iyadoo dalka Maeykanka ay joogaan arday gaareysa 3-boqol oo tababar xagga duulimaadka ah u jooga halkaasi,

- Advertisement -

Go’ankaasi oo sidoo kale saameynaya tababarada la siiyo ciidamada lugta ,ayaa la sheegay goor dambe In ay sii socon doonan tababarada ku saabsan barashada luqadda Ingiriiska.

Sarkal ka tirsan Pentagonka ayaa sheegay in tallaabooyinkaasi la qaday ay ujeedadoodu tahay sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa hannaan amni oo khuseeya  dhammaan 5-ta kun ee arday ee ka socda caalamla ee ku sugan Mareykanka.

Mohammed Alshamrani oo 21-sano jir ah darajadiisuna tahay laba xiddigle ka socda ciidamada Cirka Boqortoyada Sacudiga aya rasaas ku furay cidan ay isku fasal ahaayeen oo wax ku baranaayey xarunta Pensacola ee gobolka Florida,wuxuuna halkaasi ku dilay 3-ruux,isagoo dhaawacay 8-kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories