HomeWararDowladda Somalia oo War kasoo saartay Askartii Faransiiska ee ku dhintay Maali

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Askartii Faransiiska ee ku dhintay Maali

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Faransiiska uga tacsiyadeysay geerida 13 Askar oo Faransiis oo ku dhintay Shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Maali, xilli ay ku guda jireen howl-gal ka dhan ah jihaadiyiinta.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku qornaa luuqada English-ka  ayaa waxaa tacsi loogu diray qoysaskii ay ka dhinteen Askartii Faransiiska, kuwaasi oo u geeriyooday shilkii habeenkii Isniinta aheyd ka dhacay dalka Maali.

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay xaqiijineysaa midnimada buuxda ee ay la leedahay Dowladda iyo dadka Faransiiska, waxayna tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, Soomaaliya waxay si adag u garab taagan tahay Faransiiska dagaalka ay kula jirto argagixisada” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka.

Shilkan ayaa 38 ka dhigaya tirada askarta Faransiiska uga dhimatay dalka Mali, tan iyo markii ay faro-gelinta ku sameeyeen sanaddii 2013.

Si kastaba Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in shilkan uu dhacay habeenkii Isniinta, xilli ay ciidamada dagaal kula jireen dagaal-yahanada Islaamiga ah, oo waqooyiga Mali ka fuliyey weeraro badan oo dhimasho leh.

Hoos ka Akhriso Warka Wasaaradda kasoo baxay oo ku qoran luuqada English-ka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories