HomeWararMadaxweyne Waare oo sheegay in lala xisaabtamayo diyaaradii qaaday Xasan Sheekh iyo...

Madaxweyne Waare oo sheegay in lala xisaabtamayo diyaaradii qaaday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Safarkii Maanta Magaalada Baladweyne ay ku tageen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif. Isaga oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka baraha Bulshada lagu faafiyay ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Safarkii Maanta Magaalada Baladweyne ay ku tageen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka baraha Bulshada lagu faafiyay ee ahaa in diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo wafdiga la socday loo diiday inay ka degto Baladweyne, isla markaana la demiyay Raadeelka Garoonka Baladweyne.

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Shirkadda leh diyaaradii Maanta Baladweyne u qaaday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ku eedeeyay inay ku ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada, isla markaana duuliyihii waday uu qaatay Go’aan Riski ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweyne Waare in Shirkadda leh diyaaradda lala xisaabtami doono, kadib markii  Maanta ay qatar gelisay Wafdi heer Caalami ah.

Waxaa kaloo uu tilmaamay Waare in Madaxweyneyaashii hore ee dalka uu wargeliyay in xaalad qatar ah ka jirto Garoonka diyaaradaha Baladweyne oo xalay Roob uu ku da’ay, isla markaana inta bada dhabbaha diyaaraduhu soo caga dhigtaan biyo ay fadhiyaan uuna safarka baaqdo, hayeeshee uu Xasan Sheekh ka diiday.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Carafka ku dhuftay in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay u socdeen Gurmad loo sameeynayo dadkii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, ayna jirin cid ka hor istaagtay Safarkooda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts