HomeMaqalDhageyso:Xildhibaan C/risaaq Cumar oo sheegay in Amar ka soo baxay Dowladda lagu...

Dhageyso:Xildhibaan C/risaaq Cumar oo sheegay in Amar ka soo baxay Dowladda lagu xanibay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed iyo xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran oo Maanta ku wajahnaa Magaalada Baladweyne ayaa loo diiday inay ka dhoofan Garoonka Aadan Cadde. Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in wafdigii ay hogaaminayeen Madaxweyneyaashii hore […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed iyo xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran oo Maanta ku wajahnaa Magaalada Baladweyne ayaa loo diiday inay ka dhoofan Garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in wafdigii ay hogaaminayeen Madaxweyneyaashii hore ee dalka lagu wargeliyay in diyaaradii Baladweyne u qaadi laheyd loo diiday in Garoonka diyaaradaha ka duusho.

- Advertisement -

Sidoo kale Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in diyaaradii u qaadi laheyd Baladweyne lagu xanibay amar kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya, isla markaana maamulka Garoonka lagu amray in aysan dhoofin karin Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka.

Isaga oo sii hadlaayay Xildhibaan C/risaaq Cumar ayuu sheegay in weli Garoonka ay ku sugan yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif, ayan halkaas ku xayiran yihiin.

Madasha Xisbiyada Qaran ayuu tilmaamay in Maanta Magaalada Baladweyne ay gaarsiin lahaayeen gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaadii ka dhacday Baladweyne.

- Advertisement -

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isna safarkii ku aadi lahaa Baladweyne, hayeeshee waxaa la shaaciyay in Safarkaas uu baaqday.

Si kastaba Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ku dhawaaqday $200,000 (Laba boqol iyo konton kun Dollar) oo ah kaalmo gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.

Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts