HomeCaalamkaXoghaye Mike Pompeo oo weerar Afka ah ku qaaday Ruushka iyo Shiinaha

Xoghaye Mike Pompeo oo weerar Afka ah ku qaaday Ruushka iyo Shiinaha

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa waxa uu ka digay in khatarta Ruushka iyo Shiinaha, waxa uuna ku baaqay in la kobciyo Nato laga hortago “caqabadaha maanta taagan”. Mr Pompeo oo booqasho ku jooga magaalada Berlin ayaa sheegay in habka Shiinaha uu u isticmaalayo dadkiisa ee caburinta ah ayaa waxa ay u […]

- Advertisement -

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa waxa uu ka digay in khatarta Ruushka iyo Shiinaha, waxa uuna ku baaqay in la kobciyo Nato laga hortago “caqabadaha maanta taagan”.

Mr Pompeo oo booqasho ku jooga magaalada Berlin ayaa sheegay in habka Shiinaha uu u isticmaalayo dadkiisa ee caburinta ah ayaa waxa ay u eg tahay habkii naxdinta badnaa ee ka dhacay Bariga Jarmalka.

- Advertisement -

Ruushka ayuu dhanka kale ku eedeeyay inuu xoog ku galaayo dalalka dariska ah sidoo kalana uu baacsanayo mucaaradka. Waxa uu ku qoslay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaas oo dhawaan yiri Nato waa “maskax dhimatay”.

Hasayeeshee Mr Pompeo ayaa waxa waxa weriyayaasha u sheegay “Todobaatan sano ayaa laga joogaa markii la dhisay isbahaysigan, marka waa in la kobciyaa oo wax laga badelaa. Waxaa loo baahan yahay in isbahaysigu uu la falgalo caqabadaha iyo dhacdooyinka manta.

Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ayaa si joogta ah waxa uu dalalka Yurub ee xubnaha ka ah Nato ugu eedeeyay inay ku guuldarraysteen inay si dhab ah u bixiyaan qoondadooda kharashka ku baxa milateriga ayna difaacooda si weyn ugu tiirsan yihiin Mareykanka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories