HomeWararTaliye Sare kana tirsanaa Ahlusunna iyo Ciidamo uu watay oo isku dhiibay...

Taliye Sare kana tirsanaa Ahlusunna iyo Ciidamo uu watay oo isku dhiibay Dowladda

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyihii Cidanka Ahlusunna Waljameeca ee Degmada Guriceel iyo Ciidamo uu watay ay isku dhiibeen Ciidnanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdul Daahir Rooble Cadde oo ahaa Taliyihii Ahlusunna ayaa kulan saacado badan qaatay waxaa la yeeshay Taliyaha Guutada 15 aad ee qeybta 21aad Ciidanka Xoogga Gen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyihii Cidanka Ahlusunna Waljameeca ee Degmada Guriceel iyo Ciidamo uu watay ay isku dhiibeen Ciidnanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdul Daahir Rooble Cadde oo ahaa Taliyihii Ahlusunna ayaa kulan saacado badan qaatay waxaa la yeeshay Taliyaha Guutada 15 aad ee qeybta 21aad Ciidanka Xoogga Gen Mascuud Maxamed Warsame, iyadoona wadahadal dheer kadib uu ku biiray dhanka dowladda.

- Advertisement -

Kulanka dhexmaray Taliyaha Guutada 15 aad ee qeybta 21aad Ciidanka Xoogga iyo  Taliye Cabdul Daahir Rooble ayaa waxaa ku wehlinayay Maxamed Axmed Cantoobo Guddoomiyihii hore degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Intaasi kadib Taliyihii Ahlusunna ee Guriceel iyo Ciidamo uu watay ayaa xalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyadoo halkaas ay kusoo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hoggaanka sare ee Ahlusunna oo ay uga hadlayaan tallaabada uu qaaday Taliye Cabdul Daahir Rooble Cadde, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhawaan Ciidanka dowladda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Degmada Guriceel oo in muddo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljameeca.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts