HomeWararPuntland oo beenisay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Puntland oo beenisay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Kadib markii Baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo ka qoratay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa arrintaas ka hadlay Maamulka Gobolkaas. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in dowladda ay Ciidamo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kadib markii Baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo ka qoratay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa arrintaas ka hadlay Maamulka Gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in dowladda ay Ciidamo ka qorotay Gobolka Mudug ee dhinaca dowlad Goboleedka Puntland.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Axmed in dadka wararka beenta faafiyay ay lacag ka doonayan Dowladda Federaalka, hayeeshee ay arrintaas ku fashilmeen waa sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur ayuu tilmaamay in wax xiriir ah  uusan ka dhexeeyn Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax ciidan ah oo deegaanadaas laga qoray.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in dowladda Federaalka aysan Ciidamo ka qori Karin deegaanada Gobolka ilaa iyo inta laga xalinayo Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda.

- Advertisement -

Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa haatan waxaa ka dhexeeya Khilaaf siyaasadeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts