HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo fariin Hambalyo ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Farmaajo oo fariin Hambalyo ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Maalinta Calanku ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya maaddaama oo ay ku beegan tahay markii la taagay Calankii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey oo xor […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Maalinta Calanku ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya maaddaama oo ay ku beegan tahay markii la taagay Calankii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey oo xor ah sannadkii 1954.

- Advertisement -

“Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 65 sanno ka hor la taagay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo gashay sidii ay xornimadeeda u hanan lahayd, calan xor ahna u yeellan lahayd.”

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay ula soo noqon lahaayeen dowladnimadii, sharafkii iyo qabkii Soomaaliyeed ugana bixi lahaayeen qoqobka iyo qabyaaladda, isla markaana ula dagaallami lahaayeen argagixisada u oomman daadinta dhiiggooda.

“Munaasabaddan qiimaha leh darteed, waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay dhexda u xirtaan dib u dhiska dalka iyo dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya si calankeennu mar labaad u noqdo mid ka dhex sharfan adduunweynaha.”

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay sidii waddanka looga hirgelin lahaa nidaam dowladnimo oo ay ku soo hirtaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo in la soo celiyo sharafkii uu calankeennu lahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts