HomeCaalamkaQaramada Midoobay oo baaq ka soo saartay dibadbaxyada Ciraaq

Qaramada Midoobay oo baaq ka soo saartay dibadbaxyada Ciraaq

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Qaramada Midoobay waxay ku baaqday in la soo afjaro dilka micna-darrada loogu laynayo waddanka Ciraaq, xilli ay sare u kacday tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada dowladda loogaga soo horjeedo oo haatan ku dhaw 100.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay go’aan ka qaateen oo ay ka soo horjeedaan shaqo la’aan, adeegyada bulshada ee aadka u xun iyo musuq maasuqa dalka la degay.

- Advertisement -

Jeanine Hennis-Plasschaert oo Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha dalka Ciraaq waxay ku tilmaantay xaaladda ‘shan maalmood oo ay hareeyeen dhaawac iyo dhimasho’.

Waxay sheegtay inay mas’uuliyadda ay dusha saaran doonan kuwo laayay dadka rayidka ah’ waa in caddaalladda la hor geeya dadkii ka dambeeyay dilka’ ayay tiri sarkaalkan Qaramada Midoobey ka tirsan.

Sabtidii, ciidammada ammaanka waxay kala eryeen dad badan oo isugu soo uruuray waddooyinka bariga magaalada Baqdaad.

- Advertisement -

Shan qof ayaa ku geeriyootay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada caasimadda ee Baqdaad, waxaana mar kale lagu soo warramaya in ciidammada ay rasaas nool iyo gaaska dadka ka ilimeeyo ku kala eryeen dibadbaxyaasha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories