HomeCaalamkaAfhayeenka Madaxtooyada Faransiiska oo aad loogu mashquulay Labiskiisa

Afhayeenka Madaxtooyada Faransiiska oo aad loogu mashquulay Labiskiisa

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Seabeth Andean oo dhowr bilood uun shaqada Afhayeennimo ka haysa Qasriga Madaxtooyada France ayaa labiskeeda Afrikaannimo waxa uu dhaliyay dood xooggan. Waxaa aad uga dooday Siyaasiinta illaa ay gaarsiiyaan heebteeda iyo sida ay meel ka dhac ugu tahay jiritaanak qiyamka Dowaldda Faransiiska marka la eego hab la biskeeda Dalka magaca iyo maamuuska sare ku leh […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Seabeth Andean oo dhowr bilood uun shaqada Afhayeennimo ka haysa Qasriga Madaxtooyada France ayaa labiskeeda Afrikaannimo waxa uu dhaliyay dood xooggan.

Waxaa aad uga dooday Siyaasiinta illaa ay gaarsiiyaan heebteeda iyo sida ay meel ka dhac ugu tahay jiritaanak qiyamka Dowaldda Faransiiska marka la eego hab la biskeeda
Dalka magaca iyo maamuuska sare ku leh tilmaamaha caalamka ee astaanta u ah horumarka iyo wax soo saarka si gaar ah Catarrada la isku udgiyo ayaa maanta waxaa bar bar taagan ka hadalka labiska gabar asal ahaan ka soo jeedda Afrika oo noqotay afhayeenka Qasriga Madaxtooyada Fransiiska , taas oo dad badan illowsiisay dooqa labiska marwada koowaad ee Qaranka faransiiska .

- Advertisement -

Waxa ay mugdi galisay hadal heentii Marwada koowaad ee Madaxweynaha dalka Fransiiska oo jalaqsanaanteeda loo geeyay labiskeeda wacan iyo kabaha qaaliga ah ee ay ku xarrakoon jirtay , taa badalkeeda maanta la hadal hayo Seabeth Andean oo dhar aan ku dhaganeen wadata sidoo kalana ku soo labisata kaba Sports oo aan lacag badan joogin laakin cagta raaxa u ah taa oo noqotay afhayeenka rasmiga ah ee madaxweynaha dalka Faransiiska.

Gabadhan oo asal ahaan ak soo jeeda dalka Senegal ayaa dhalatay 1979-kii , dhalashada waddaankiisana waxa ay heshay xilligii ololaha doorasho ee uu ku guuleeystay Madaxweyne Makron Waxa ay ka soo jeedda qoys siyaasadda xidid fiican ku leh aabaaheed waxa uu ahaa xubin fir fir coon ka tirsan  Xizbiga  Dimuquraadiga dalka Senegal , halka hooyadeedna ay ahayd Garsoore sare oo ka tirsan Golaha baarlamanka dalkeeda.

Wax barashadeeda aasaasiga ah waxa ay ku qaadatay dalka Senegal halka wax barashada sare ay ku qaadatay Dalka Fransiiska , iyada oo xubin buuxda ka noqotay Midowga Ardayda Faransiiska halkaa oo ay ka bilowday dhaq dhaqaaqeeda siyaasadeed.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts