HomeCaalamkaDad ku dhintay biyo xireen ay sawir isaga qaadayeen

Dad ku dhintay biyo xireen ay sawir isaga qaadayeen

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Haweeney dhawaan la guursaday iyo saddex qof oo ka tirsan qoyskeeda ayaa ku qaraqmay biyo xireen ay isku sawirayeen, sida uu sheegay booliska gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya.

Dadka dhintay ayaa kamid ahaa koox lix qof ka kooban oo gacmaha is haystay, isla markaana taagnaa meel biyuhu ku yar yihiin, ka hor inta aanu mid ka mid ah ku fakan moolka biyo xireenka deetana jiidan inta kale.

- Advertisement -

Ninka qabay xaaska dhimatay ayaa waxaa u suuragashay inuu badbaadiyo walaashii oo kamid ahayd dadka ay biyaha qaadeen.

Hindiya ayaa ah dalka ugu badan ee la xaqiijiyay inay ku dhintaan dadka sababsada sawiradda la iska qaado ee selfie loo yaqaano.

Sida ay sheegtay hay’ad fadhigeedu yahay Maraykanka, 259 oo qof ayaa Hindiya ugu dhintay xilli ay sawirrada selfie iska qaadayeen mudadii u dhexeysay 2011 iyo 2017. Dalalka kusoo xiga ayaa kala ah Ruushka, Maraykanka iyo Pakistan.

- Advertisement -

Khubarada ayaa sheegaya in dadka sawiradda iska qaada ay khatar weyn u bareeraan si ay u farxad geliyaan qoysaskooda iyo asxaabtooda ku taxan baraha bulshada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories