HomeWararMadaxweynaha Jubbaland oo si kulul uga hadlay Shirkii ka dhacay Muqdisho iyo...

Madaxweynaha Jubbaland oo si kulul uga hadlay Shirkii ka dhacay Muqdisho iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Somalia

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka qeyb gelayay munaasabad lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda ee dalka gaar ahaan khilaafka dowladda iyo maamulka Jubbaland. Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa  ka hadlay xaaladda uu dalka marayo iyo si gaar ah arrimaha Jubbaland wuxuu sheegay in kadib Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka qeyb gelayay munaasabad lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda ee dalka gaar ahaan khilaafka dowladda iyo maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa  ka hadlay xaaladda uu dalka marayo iyo si gaar ah arrimaha Jubbaland wuxuu sheegay in kadib Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland ay Dowlada Jubbaland xooga saartay sidii loo dhamayn lahaa dadkii tabashooyinka qabay isla markana arrintaas guulo la taaban karo laga gaaray wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in iyadoo wali albaabadu ay furan yihiin hadana aan cidna laga ogolanaynin in nabadgalyada ay wax u dhinto arintaasna ay tahay masuuliyad ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland.

- Advertisement -

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Doorashooyinku markii ay dhamaadeen ay Jubbaland diyaar u ahayd sidii Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Federaalka ah wada hadal loogu dhamayn lahaa balse taas badalkeeda Xukuumada Federaalka ah ay xayiraado iyo cunaqabatayno kusoo rogtay dadka ree Jubbaland iyadoo uu Madaxweynahu sheegay in dad shacab ah ay naftooda ku waayeen xayiraada dhinaca duulimaadka ah ee Dowlada Federaalku ay kusoo rogtay dadka ree Jubbaland taas oo la iskula xisaabtami doono.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in maamulka hawada Soomaaliya oo aad loogu hanwaynaa sidii Soomaaliya ay gacanteeda usoo gali lahayd maanta la is waydiinayo suurta galnimada in ayna Xukuumada Federaalku masuul ka noqon Karin maadama ay arimo siyaasadeed u adeegsanayaan oo lagu dhibaataynayo dadka shacabka ah.

Dhamaan cunaqabataynada Dowlada Federaalka ah ay kusoo rogtay dadka Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay inayna waxba saamayn ah ku yeelanaynin sida ay diyaarka ugu yihiin Midnimada iyo wadajirka Umada Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin sidii lagu yaqaanay in shacabka Soomaaliyeed ay isku keenaan oo Mustaqbalka dalkan laga arinsado.

- Advertisement -

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in go’aanka garoonka diyaaradaha Muqdisho lagaga celiyay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya sheikh shariif sheikh Axmed uu yahay xad gudub aan sharciga dalka meela kaga oolin loona baahan yahay in wax la iska waydiiyo.

Isagoo ka hadlayay shirka kasocda Magaalada Muqdisho ee Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah u dhexeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in hanaanka siyaasada loo dhan yahay ayna dalka ka jirin sidaas darteedna wax walba oo shirkaas kasoo baxa ayna anfacaynin dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay kahor in arimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro sida Doorashooyinka iyo dhamaystirka dastuurka.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in hanaanka dayn cafintu uuna dhaqan gali Karin iyada oo Madaxda Villa Soomaaliya joogta ay ku tumanayaan shirciga dalka waxaa uu Madaxweynahu sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu qayb ka yahay daynta dalka lagu leeyahay balse wadadii lagaga bixi lahaa ayna haynin Dowlada Federaalka ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories