HomeWararSomalia oo markii ugu horreeyay ka qeyb galeysa Shir looga hadlayo Arrimo...

Somalia oo markii ugu horreeyay ka qeyb galeysa Shir looga hadlayo Arrimo muhiim ah

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo looga hadlayo qodobo la xiriira Horumarinta boostada adduunka sida qaabka ay lacagaha u kala qaataan boostada Adduunka, gaar ahaan alaabaha waaweyn ee ganacsiga ah. Wasiirka oo ka hadlayay ahmiyadda kulankan […]

- Advertisement -

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo looga hadlayo qodobo la xiriira Horumarinta boostada adduunka sida qaabka ay lacagaha u kala qaataan boostada Adduunka, gaar ahaan alaabaha waaweyn ee ganacsiga ah.

Wasiirka oo ka hadlayay ahmiyadda kulankan u leeyahay dalkeena ayaa sheegay in shirweynahani yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya ka soo qeyb gasho tan iyo markii si buuxda ay ula soo noqotay xubinnimadeeda bishii Abriil ee sanadkan, taas oo maqneyd tan iyo burburkii dalka ka dhacay. Waxayna ku soo aadeysaa xilli uu gebogebo marayo qorshaha lagu billaabayo dirista boostada oo la filayo dhammaadka sanadkan.

- Advertisement -

Wasiirka oo sidoo kale ka hadlayay ujeeddada safarkiisa ayaa sheegay in ka sokow shirweynaha ay shirar doceedyo la yeelan doonaan UPU iyo dalal saaxiib la ah dalkeena, oo lagala hadlayo qorshaha dhismaha Boostada Soomaaliya oo la gaarsiin doono dhammaan dawlad-goboleedyada dalka si dadka Soomaaliyeed oo dhan ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka oo ay wehliyeen Safiirka Soomaaliya ee Geneva, Danjire Ebyan Maxamed Saalax iyo khubaro ka socota Wasaaradda, ayaa kulamo la yeeshay Agaasimaha Guud ee UPU iyo Ku-xigeenkiisa, iyagoo kala hadlay sidii loo dhammeystiri heshiisyadii ay wada gaareen Wasaaradda iyo UPU bishii Abriil ee sanadkan.

“In dib loo dhiso adeeggii boostada wuxuu lama-huraan u yahay dhaqaalaha dalka maadaama boostadu qaban karo adeegyo muhiim u ah dhaqaalaha sida fududeynta ganacsiga internetka (ecommerce), fududeynta arrimaha maaliyadda iyo bixinta adeegyada dawladda ee ay muwaadiniintu ka faa’iideystaan (eGovernment),” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay sida dhaqaalaha dalkeenu uga faa’iidi doono dib-u-dhiska adeegga boostada.

- Advertisement -

Soomaaliya ayaa sanadkan ka baxday dalalka ay cuna-qabateyntu ka saaran tahay dhinaca dirista boostada iyo xuquuqda codeynta, kuwaas oo gaaraya 24 dal oo u badan Afrika. Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Boostada Adduunka ay isbeddelo waaweyn la kulantay 10kii sano ee ugu dambeysay ee adduunka ay ku soo kordheen ganacsiga internet (ecommerce), kaas oo yareeyay dirista warqadihii caadiga ahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories