HomeWararPuntland iyo UNHCR oo ka wada hadlay xaaladaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha

Puntland iyo UNHCR oo ka wada hadlay xaaladaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntlland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, waxaana wafdiga hoggaaminaayey Wakiilka UNCHR ee Geeska Afrika Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo uu wahlinaayey Madaxda cusub ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Johann Siffonte. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo […]

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntlland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, waxaana wafdiga hoggaaminaayey Wakiilka UNCHR ee Geeska Afrika Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo uu wahlinaayey Madaxda cusub ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Johann Siffonte.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka warbixiyay markii kulanku uu soo dhammaaday.

- Advertisement -

” Safarkoodu waxa uu ku saabsanaa inay Puntland is arkaan oo ay ka wada hadlaan xaaladaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha  Wafdiga waxaan shir kula qaadanay Wasaarada Arrimaha Gudaha, kadibna Madaxweyne Ku-xigeenka iyo anigoo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan Wafdiga kula kulanay guriga Madaxweyne Ku-xigeenka, halkaas oo looga wada hadlay arrimaha Qaxootiga Puntland ku sugan iyo Barakacayaasha aadka u badan ee Soomaaliyeed oo ku sugan Puntland, xaaladdooda, mustaqalkooda iyo qul-qulka Tahriibayaasha, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dalka Itoobiya oo runtii aad iyo aad ugu soo badanaaya Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo aad u buux dhaaftay, arrimahaas ayaan ka wada hadalnay iyo qorshayaasha dowladda Puntland ee ku aadan xakamayntooda”. ayuu yiri Wasiir Dhabanacad.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wafiga la wadaagay in Puntland ay marti galisay kummanaan Qaxooti ah wadamo dhowr ah ka yimid iyo Barakacayaal gudaha ah, waxaana madaxda hay’adda UNHCR uu ku booriyay inay sii laba jibbaaraan dedaalada wax loogu qabanaayo dadkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories