HomeWararFaah faahin:-Qarax duleedka Muqdisho lagula eegtay Injineero Cadaan

Faah faahin:-Qarax duleedka Muqdisho lagula eegtay Injineero Cadaan

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Faah faahino  dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saakay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho,kaasi oo lala eegtay gaari Qooqan ah oo ay la socdeen qaar kamid ah Injineerada dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Degmada Afgooye. Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka ah,isla markaana Injineerada lagula eegtay […]

- Advertisement -

Faah faahino  dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saakay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho,kaasi oo lala eegtay gaari Qooqan ah oo ay la socdeen qaar kamid ah Injineerada dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka ah,isla markaana Injineerada lagula eegtay Inta u dhexeysa Jaamacadda shabeelle iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim xili halkaas ay socdaal ku marayeen.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray mid kamid ah Injineerada dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ,kaasi oo dhaawaciisa la  sheegay inuu yahay mid fudud.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaary Askar ilaalo u aheyd Injineerada,kuwaasi oo saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay,waxaana durbo halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii saakay ka dhacay Inta u dhexeysa Jaamacadda shabeelle iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim,kaasi oo lala eegtay gaari ay lahaayeen Injineerada dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories