HomeWararCiidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Jubbada Hoose

Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya guutad 11 aad qeybta 43 aad,kuwa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo ciidanka sida garka ah utaba baran ee Danab ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ay fuliyeen deegaano hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbaada Dhexe. Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay Nawaaxiga degmada Jamaame,halkas oo Saldhigyo ay ku lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab,isla markaana […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya guutad 11 aad qeybta 43 aad,kuwa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo ciidanka sida garka ah utaba baran ee Danab ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ay fuliyeen deegaano hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbaada Dhexe.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay Nawaaxiga degmada Jamaame,halkas oo Saldhigyo ay ku lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal dhexmaray labada dhinac oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Saraakiisha hogaamineysa Ciidanka ayaa sheegay in Ciidanka howlgal fuliyay oo ka dhaqaaqay webiga ay weerar qorsheeysan kula wareegeen tulada lagu magacaabo Bandar jadiid oo degmada Jamaame ujirto 3-kilo mitar,iyadoona sheegay in halkaas ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalka ay uga dileen 15 dagaalame,halka 5 kalena ay ka dhaawaceen,waa sida ay hadlka u dhigeen Saraakiisha dowladda.

Waxaa kaloo Ciidamada ay tilmaameen in howlgalka inta uu socday lagu qabtay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.

- Advertisement -

Si kastaba Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, kuwa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo ciidanka sida garka ah u tababaran ee DANAB ayaa maalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ka waday howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories