HomeWararSawirro:-Qaar kamid ah Beeraleyda Baladweyne oo la Guddoonsiiyay Qalab Muhiim ah

Sawirro:-Qaar kamid ah Beeraleyda Baladweyne oo la Guddoonsiiyay Qalab Muhiim ah

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maxadweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Guddoonsiiyay matooro loogu talo galay in lagu horumariyo beeraleyda Hirshabelle, waxaana Maamulka ka gacansiiyay Hey’adda ARC kaddib munaasabad ka dhacday hoolka shirarka magaalada Beledweyne, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabebelle Mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, iyo Qaar ka […]

- Advertisement -

Maxadweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Guddoonsiiyay matooro loogu talo galay in lagu horumariyo beeraleyda Hirshabelle, waxaana Maamulka ka gacansiiyay Hey’adda ARC kaddib munaasabad ka dhacday hoolka shirarka magaalada Beledweyne, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabebelle Mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, iyo Qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimada ka faaideysiga wax soo saarka beeraha hirshabelle,isagoo xusay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay Qorshaha lagu horumarinayo Beeraleyda Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu tilmaamay in muhiim ay in laga faaideysto biyaha webiga shabeele taa bedelkeeduna aysan noqon mar in uu wabiga uu fataho marna uu qalalanyahay.

- Advertisement -

“Barnaamijkani runti waxa uu qeyb ka yahay mashaariicda lagu xoojinayo adkeysiga beeraleyda ay u adkeystaan abaarooyinka, fatahaadaha si ay u soo saartaan wax soo saarka, gaar ahaan wax soo saarka la iib geeyo ay qudaartu ugu badantahay, runtii barnaamijkani waxa uu horseed u yahay barnaamij weyn oo u jeedadiisu ay tahay in nolosha beeraleyda hirshabelle wax looga bedelo qeyb ka mid ah, barnaamijyadaas maalgalinayo deeq beexiyayaal kale duwan, qeybta ugu weyn waa qeybta lagula tacaalayo, ee ka hortagayo fatahaadaha ee mar walba soo noqdo” Ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa u mahaceliyay hey’ada ka gacan siisay maamulka qalabkani oo muhiimad gaar ah ugu fadhiyo beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan beeraleyda Hirshabelle, waxaana uu xusay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso kor u qaadida xirfadda iyo aqoonta beeraleyda ayna ku howlanyihiin in laga faaideysto wax soo saarka dalagyada beeraha.

Maamulka hirshabelle ayaa qorsheeyay 1535 matooro in looga faaideeyo beeraleyda hirshabelle iyadoo beeraleyda magaalada Jowhar horey la guddoonsiiyay matooro sidaan oo kale, waxaana Maanta madaxweynaha gacantiisa uu ku Guddoonsiiyay 375 ka mid ah beeraleyda Magaalada Beledweyne iyo Deegaannada hoosyimaada.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories