HomeWararRW Kheyre oo Baydhabo loogu sameeyay Munaasabad soo dhaweyn ah

RW Kheyre oo Baydhabo loogu sameeyay Munaasabad soo dhaweyn ah

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Baydbabo ee Caasimadda KMG u ah Koonfur Galbeed ayaa xalay waxaa halkaas loogu sameeyay Munaasabad soo dhaweyn ah. Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda ugu sarreysa maamulka Koonfur Galbeed,qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Baydbabo ee Caasimadda KMG u ah Koonfur Galbeed ayaa xalay waxaa halkaas loogu sameeyay Munaasabad soo dhaweyn ah.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda ugu sarreysa maamulka Koonfur Galbeed,qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Baydhabo iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo qeyb ka ahaa Safarka Ra’iisul Wasaaraha.

- Advertisement -

Intaasi kadib ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Kheyre kulan la qaatay dhalinyarada Baydbabo,iyagoo ka hadlay sidii loo furi lahaa wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inta uu ku sugan yahay Baydhabo in Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ka hadli doono Arrimaha kala ah horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu kormeer ku tego Goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Baydbabo ee Caasimadda KMG u ah Koonfur Galbeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories