HomeWararWararkii ugu dambeeyay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Wararkii ugu dambeeyay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka socda shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug,kaasi oo Khamiisitii la soo dhaafay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ergo kala duwan oo dhammaan ka kala socota beelaha deegaanada Galmudug,kuwaasi oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb. Shir-weynaha ayaa […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka socda shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug,kaasi oo Khamiisitii la soo dhaafay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ergo kala duwan oo dhammaan ka kala socota beelaha deegaanada Galmudug,kuwaasi oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa waxaa sheegayaa in Shirka markii uu furay Ra’iisul Wasaare Kheyre aan dib la isugu soo laaban,hayeeshee Maanta dib uu furmi doono Shirka,waxaana goobjoog ka noqonaya inta uu socdo Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Cabdi Sabriye.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashnaya Ciidamo gaar ah oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories