HomeMaqalDhageyso:-Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis gaaray

Dhageyso:-Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis gaaray

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu hadlay kulan uu dalka Jabuuti kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiye Mursal mar kale ay si wadajir uga hadleen arrimaha Baarlamaanka iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii horey u dhexmaray […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu hadlay kulan uu dalka Jabuuti kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiye Mursal mar kale ay si wadajir uga hadleen arrimaha Baarlamaanka iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii horey u dhexmaray labada Guddoonka,kadib markii uu Khilaaf ka dhex jiray in muddo,hayeeshee xal laga gaaray.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu tilmaamay in labada Guddoonka ay isla garteen inay Baarlamaanka labada Aqal ay si wadajir u wada shaqeyaan,maadama ay horyalaan howlo badan oo u baahan in la dhameystio.

Isagoo sii hadlaayay Guddoomiye CabdiXaashi ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay la kulmeen Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Jabuuti ayna heshiis ku gaareen in la sameeyo Guddi ka kooban 12 xubnood oo labada dal ah ,kuwaasi oo xoojin doona  xiriira ka dhexeeya Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti.

Si kastaba Guddoomiyeyaasha labada Aqalka ee Baarlaamanka Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti maalin kahor kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas,hayeeshee Guddoomiye Cabdi Xaashi oo  shalay dalka kusoo laabtay.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories