HomeWararDiyaarado hub iyo Ciidamo sida oo ka degay Magaalada Dhuusamareeb

Diyaarado hub iyo Ciidamo sida oo ka degay Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaa in saakay Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ay ka degteen diyaarado siday hubka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradaha ka degay halkaas ay waday hub farbadan,waxaana la socday Ciidamo ka tirsan […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaa in saakay Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ay ka degteen diyaarado siday hubka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradaha ka degay halkaas ay waday hub farbadan,waxaana la socday Ciidamo ka tirsan dowladda,iyagoo la tilmaamay inay ka soo baxeen Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Maalin kahor Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka degay diaayardo siday Ciidan badan,kuwaasi oo la wareegay Xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaas oo qeyb ay ka tahay Xarunta Madaxtooyadda Dhuusamareeb.

Sidoo kale Ciidamadaas ayaa la wareegay Xarunta lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo ammaanka garoonka diyaaradaha,halkaasoo horay amnigiisa ay u sugayeen Ciidamada DANAB.

Dhawaan ayay aheyd markii hogaanka Ahlusunna Waljameeca ay ka horyimideen in Ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya la geeyo deegaanada Galmudug,waxaana ay walaac xoogan ka muujiyeen Ciidamada lagu soo daabulayo  Magaalada Dhuusamareeb.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories