HomeWararC/raxmaan Baadiyow oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

C/raxmaan Baadiyow oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa been  abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha Bulshada oo sheegayay in Khilaaf uu soo kala dhexgalay Guddiga Shirka. C/raxmaan Baadiyow ayaa waxaa uu sheegay in Qabanqaabada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug haatan uu marayo meel gabo-gaba ah,isla markaana uusan jirin wax […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa been  abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha Bulshada oo sheegayay in Khilaaf uu soo kala dhexgalay Guddiga Shirka.

C/raxmaan Baadiyow ayaa waxaa uu sheegay in Qabanqaabada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug haatan uu marayo meel gabo-gaba ah,isla markaana uusan jirin wax Khilaaf ah oo u dhexeeya Guddiga Shirka lagu wado inuu ka furmo Dhuusamareeb.

- Advertisement -

War qoraal ah oo bartiis Facebook uu kusoo qoray Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa qoraa sidan:-

Hordhaca dhismaha Maamualka Galmudug waa shirka dib-heshiisiinta oo ay horkacayaan hogaanka dhaqanka, kana qaybgalayaan qaybaha bulshada Rayidka ah. Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gabangabo. War-xuma tashiilka iyo dicaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milqin khilaafaadka siyaasadeed”ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow.

Hadalkan Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa waxaa uu yimid,kadib markii maalmihii la soo dhaafay baraha Bulshada lagu faafiyay wrara sheegaya inuu Khilaaf soo kala dhexgalay Guddiga qaban-qaabada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories