HomeWararFaah faahin:-Weerar dhaba-gal ah oo ka dhacay Duleedka Gaarisa

Faah faahin:-Weerar dhaba-gal ah oo ka dhacay Duleedka Gaarisa

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Gaari uu la socday Xildhibaan la sheegay inuu ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya, xili uu marayay duleedka Magaalada Gaarisa. Weerarka oo ahaa mid dhabbagal ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Masalaale oo hoos yimaada Magaalada Gaarisa […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Gaari uu la socday Xildhibaan la sheegay inuu ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya, xili uu marayay duleedka Magaalada Gaarisa.

Weerarka oo ahaa mid dhabbagal ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Masalaale oo hoos yimaada Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya,waxaana lala eegtay Xildhibaan Axmed Ibraahim Cabdi Salaam.

- Advertisement -

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ay ku leeyihiin ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkaas,iyadoo sheegay in weerarka lagu dhaawacay Xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa tilmaamay in dhaawaca Xildhibaan Ibraahim Cabdi Salaam la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in weerar lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories