HomeMaqalDhageyso:-Maamulka Degmada Qoryooley oo ka hadlay Weerarkii Al-shabaab

Dhageyso:-Maamulka Degmada Qoryooley oo ka hadlay Weerarkii Al-shabaab

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Xoogan sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo xalay Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gudaha Degmada Qoryooley,waxaana intaasi kadib dhacay dagaal […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Xoogan sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo xalay Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gudaha Degmada Qoryooley,waxaana intaasi kadib dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada iyo shabaabkii weerarka soo qaaday.

- Advertisement -

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in weerarkii uga yimid shabaab ay iska difaaceen,isla markaana ay u geysteen Khasaaro waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay dagaalka uga dileen 4 dagaalyhano oo ka tirsan,halka dhankooda uu uga dhaawacmay hal askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda.

Isaga oo sii hadlaayay Cali Waal ayuu tilmaamay in qof shacab ahaa oo ku sugnaa gudaha Degmada Qoryooley ay rasaas ku dhacday uuna u geeriyooday.

- Advertisement -

Inta badan dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan ku qaada Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM  ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.

 Hoos ka Dhageyso Codka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories