HomeCaalamkaMaraykanka oo rumeysan inay dileen Wiil uu dhalay Usama Bin Ladin

Maraykanka oo rumeysan inay dileen Wiil uu dhalay Usama Bin Ladin

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Sarkaal Maraykan ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay dileen Xamsa Usaama Bin Laadin, kaasi oo  horey madaxiisa loo dul-dhigay Abaal-marin Lacageed o odhan Hal million oo Dollar. Sarkaalkaasi oo aan fasax u haysanin inuu Saxaafadda la hadlo waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahino kale bixiyo xilliga la dilay iyo halka lagu dilo Xamsa Usama Bin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sarkaal Maraykan ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay dileen Xamsa Usaama Bin Laadin, kaasi oo  horey madaxiisa loo dul-dhigay Abaal-marin Lacageed o odhan Hal million oo Dollar.

Sarkaalkaasi oo aan fasax u haysanin inuu Saxaafadda la hadlo waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahino kale bixiyo xilliga la dilay iyo halka lagu dilo Xamsa Usama Bin Ladin.

- Advertisement -

Madaxweyne Trump oo shalay wax laga weydiiyey arrintaasi waa uu ka gaabsaday, kadib, markii uu Telefishinka NBC News markii ugu horreysay baahiyey arrintaasi.

Wargeyska The New York Times waxa uu qoray inay Maraykanka door ku lahaayeen hawlgalka horseeday in Xamsa Usama Bin Ladin la dilay labadii sanno ee la soo dhaafay.

Xamsa Bin Ladin oo da’da lagu qiyaasay 30-jir waxa uu horey ugu baaqay in la beegsado Ciiddanka Maraykanka ee dibedaha joogo, isagoo dhanka kale ugu baaqay Kooxaha Qabaa’illadda Sacuudiga inay la midoobaan Al-qaacidada Yemen si ay ula dagaalamaan Dowladda Sacuudiga.

- Advertisement -

 

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Dowladda Sacuudiga waxay shacaisay inay Xamsa Bin Ladin kala laabteen dhalashadiisa, kadib, Amar Boqortooyadda ka soo baxay bishii November ee sannadkii hore.

Dhinaca kale, Usama Bin Ladin oo ahaa Asaasihii Ururka Alqaacida waxa lagu dilay magaalladda Abotabad ee dalka Pakistan bishii May 3-dii ee sannadkii 2011-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts