HomeCaalamkaDad ku geeriyooday is-qarxin ka dhacday Isbitaal ku yaalla Pakistan

Dad ku geeriyooday is-qarxin ka dhacday Isbitaal ku yaalla Pakistan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Boliska dalkaasi ayaa sheegay in Haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa ay maanta isku qarxisay Isbitaal Guud ee  Degmadda Dera Ismail Khaan oo ku taalla W/Galbeed ee dalkaasi. Ilaa 9 qof ayaa ku geeriyootay, halka 30-kaelna ku dhaawacmeen, wuxuuna qaraxu burbur u geystay Qolka Gurmadka Degdegga ee Isbitaalka,taasi oo sababtay in albaabadda loo laabo. Haweeneydaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska dalkaasi ayaa sheegay in Haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa ay maanta isku qarxisay Isbitaal Guud ee  Degmadda Dera Ismail Khaan oo ku taalla W/Galbeed ee dalkaasi.

Ilaa 9 qof ayaa ku geeriyootay, halka 30-kaelna ku dhaawacmeen, wuxuuna qaraxu burbur u geystay Qolka Gurmadka Degdegga ee Isbitaalka,taasi oo sababtay in albaabadda loo laabo.

- Advertisement -

Haweeneydaasi ayaa la sheegay inay is-qarxisay, xilli Isbitaalka la keenay Askar ku dhawaacantay Toogasho saakayto ka dhacday Bar Kontorool oo ku taalla Galbeedka Degmaddaasi.

Khabiir ku takhasusay baaritaanka maydadka o olagu magacaabo Inayat Ullah ayaa sheegay in Haweeneyda isku soo rakibtay qarax culayskiisu ahaa 7 Kiilo, kaasi oo laga soo buuxiyey masaamiir iyo kushaneetooyin la jarjaray.

Dhacdo kale, Taliyaha Boliska Degmadda Dera Ismail Khaan, Saliim Riyaz waxa uu sheegay in 2 Askari lagu dilay weerar Waaberigii hore ee saakayto ka dhacay Bar Kontorool, iyadoo ay dablaydii baxsadeen.

- Advertisement -

Dhinaca kale, hadal-qoraal oo ay Maleeshiyadda  Daalibaanta ka dagaalanta gudaha dalka Pakistan ee lagu magacaabo Texriik- e-Daaliban waxay ku sheegteen  mas’uuliyadda qaraxa iyo weerarka ka dhacay Degmadda Dera Ismail Khan.

Kooxda waxay beeniyeen inay Haweenedy isku qarxisay Isbitaalka, iyagoo sheegay inuu Is-qarxiyuhu ahaa Nin ay magaciisa ku sheegeen Abu Cubayda Qasi.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts