HomeCaalamkaTaliyaha Cusub ee Taliska Hawlgalka Maraykanka ee AFRICOM oo xilka la wareegi...

Taliyaha Cusub ee Taliska Hawlgalka Maraykanka ee AFRICOM oo xilka la wareegi doona

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Munaasabad ballaaran oo lagu kala wareegi doono Taliska Cusub ee Hawlgalka Ciiddanka Maraykanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa la filayaa in maalinta Jimcaha ee soo socota, kuna beegan bishan b July 26-da lagu qabto Xarunta Taliska AFRISOM ku leeyihiin magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka. Taliyaha Taliska AFRICOM ee xilka ka sii degaya Jeneral Thomas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Munaasabad ballaaran oo lagu kala wareegi doono Taliska Cusub ee Hawlgalka Ciiddanka Maraykanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa la filayaa in maalinta Jimcaha ee soo socota, kuna beegan bishan b July 26-da lagu qabto Xarunta Taliska AFRISOM ku leeyihiin magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka.

Taliyaha Taliska AFRICOM ee xilka ka sii degaya Jeneral Thomas D. Walduser oo Hawlgab ka noqon doona Hawlaha Ciiddamadda waxa uu xilka ku wareejin doonaa Taliyaha cusub ee magacaaban ee Taliska AFRICOM, Jeneral Stephen James Townsend.

- Advertisement -

Ku-simaha Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, ayaa la qorsheynayaa inuu Ku-simaha Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Patrick Shanahan kala hagi doono muddada ay socoto Munaasabadaasi.

Taliyaha cusub ee Taliska AFRICOM, Jeneral Stephen James Townsend oo ay Xilkiisa ansixiyeen Aqalka Senedka Maraykanka bishii June 29-dii ee sannadkan,  waxa uu noqon doonaa Taliyihii 5-aad ee Hawlgalka AFRICOM tan iyo markii la asaasay Taliskaasi sannadkii 2008-dii.

Taliyaha cusub waxa uu ku dhashay magaalladda Scheinfeld ee Gobalka Bavaria ee dalka Jarmalka sannadkii 1959-kii, waxa uu Aabihiisa asal ahaan ka soo jeedaa dalka Afganistan, halka ay hooyadiisa u dhalatay Jarmalka.

- Advertisement -

 

 Sidoo kale, Taliyaha Taliska AFRICOM ee xilka ka sii degayo Jeneral Thomas D. Walduser waxa uu xilkaasi hayey tan iyo bishii July 18-dii ee sannadkii 2016-kii, iyadoo la filayo inuu Hawlgab ka noqon doonaa  Hawlaha Milliteriga, kadib, 43-sanno oo uu ka mid ahaa Ciiddanka Maraykanka.

Taliska AFRICOM waa mid ka mid ah 6-da Waaxyood ee Difaaca Maraykanka ee qaab ahaan Talisyo Dagaal-gala, wuxuuna Taliska AFRICOM mas’uul ka yahay dhamaan Hawlgalladda Milliteri ee Maraykanka, Tababaradda, Iskaashiga Ammaanka iyo inay qaadaan Hawlgalladda looga jawaabayo Xasaradaha Qaaradda Afrika ee Danaha Maraykanka, Ammaanka Gobalka, Deganaanshaha iyo guusha Barwaaqaynta.

Taliska AFRICOM waxay xiriir shaqo la leeyihiin 53 Waddan oo Afrikaan ah, iyadoo ay 7,200 Askar Maraykan ah ay haatan ka hawl-galaan dalal ay ka mid yihiin Somalia, Nigeria, Libya, Niger iyo kuwo kale.

Ilaa 500 Askar Maraykan ah ayaana ka hawlgala Somalia, kuwaasi oo Saldhigyo ku kala leh Deegaanka Balli-doogle iyo magaalladda Kismaayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts