HomeCaalamkaIiraan oo Shaacisay in Markabka Booyadlaha UK uu Shil la galay Doon...

Iiraan oo Shaacisay in Markabka Booyadlaha UK uu Shil la galay Doon Kallumeysi

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxa Dekeddaha iyo Baddaha ee Gobalka Hormozgan oo lagu magacaabo  Allahmuraad Afifibuur oo la hadlay Wakaalladda Wararka Fars News Agency  waxa uu maanta sheegay in Markabka Booyadlaha ee Calanka UK watay ee lagu magacaabo Stena Imperooo shil la galay Dooni Kalluumeysi oo Iiraan leedahay, isla markaana ay Badmaaxiinta Markabka ogeysiis la’aan dirsadeen Qeylo-dhaan.  Waxa uu intaaasi ku daray in 23-ka shaqaalaha la […]

- Advertisement -

Madaxa Dekeddaha iyo Baddaha ee Gobalka Hormozgan oo lagu magacaabo  Allahmuraad Afifibuur oo la hadlay Wakaalladda Wararka Fars News Agency  waxa uu maanta sheegay in Markabka Booyadlaha ee Calanka UK watay ee lagu magacaabo Stena Imperooo shil la galay Dooni Kalluumeysi oo Iiraan leedahay, isla markaana ay Badmaaxiinta Markabka ogeysiis la’aan dirsadeen Qeylo-dhaan.

 Waxa uu intaaasi ku daray in 23-ka shaqaalaha la socday Mrakabka Britain ay haatan ku sugan yihiin Dekedda Bandar Cabaas, isla markaana sii joogi doonaan ilaa laga dhamasytirayo Baaritaanka.

- Advertisement -

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay in Badmaaxiinta la socota Markabka ay qabteen kala yihiin 18 u dhalatay dalka Hinddiya, 5 ka soo kala jeeda dalalka Raashiya, Filibiin, Lithweeniya iyo kuwo kale.

Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan ayaa la sheegay inay Markabka UK ee lagu magacaabo Stena Impera xalay u gelbiyeen Markabka Britain Dekedda Bandar Cabaas, iyadoo baaritaanka shilka uu Markabka la galay Doonida Kalluumeysiga uu maanta bilaaban doono.

Dowladda Britain waxay mar sii horreysay sheegtay inay si degdeg ah u doonayaan Warbixinta Markabkooda, kaasi oo markii la qbaanayey ku sii jeeday Deked ku taalla dalka Sacuudiga.

- Advertisement -

Markabkaasi ayaa waxa uu si kedis ah u bedelay Jihadii uu ku socday, markii uu ka gudbay meesha laga galo Gacan biyoodka Gacanka Carbeed.

Horey ayaa waxa u cakirnaa Xiriirka Dowladda Iiraan iyo kuwa Reer Galbeedka, waxayna xiisadda sii kacday, markii ay Ciiddanka Badda ee Britain ay bishan July 4-dii gacanta ku dhigeen Markab Booyadle lagu magacaabo Grace 1 oo ay Iiraan leedahay, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu shixnad shidaal u waday dalka Syria.

Dowladaha Midowga Europe ee EU-da waxay sannaadkii 2011-kii cunaqabatayn ku soo rogeen Dowladda Syria oo ay ku eedeeyeen inay Tacadiyo u geystaan dadka rayidka ee ku nool dalkaasi.

Dhinaca kale, Dowladda Britain waxay kula talisay inay dhamaan Maraakiibtooda ka fogaadaan  Gacanka Hormuz si xilli Ku-meel-gaar ah.

Digniinta waxaa lagu sheegay inay jirto ciqaab adag, haddii aan xaalladda la xalin.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories