HomeCaalamkaIraan oo gacanta ku dhigtay 2 Markab oo laga leeyahay Britain

Iraan oo gacanta ku dhigtay 2 Markab oo laga leeyahay Britain

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa sheegay inay Iiraan gacanta ku dhigeen 2 Markab oo ay UK lala xiriirinayo, kuwaasi oo marayey Gacan-biyoodka HORMUZ oo u dhow Xeebaha Iiraan.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Jeremy Hunt ayuu ku sheegay in Markab Booyadle shidaal oo watay Calanka Britain iyo mid kale oo watay Calanka dalka Liberia, balse lala xiriirinayo dalkiisa shalay lagu qabsaday Gacanka Hormuuz.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay Xukuumadda Britain Kulan Degdeg ah ka yeelan doonaan xaqiiqda dhacdadaasi, isla markaana ay isku hawli doonaan in si degdeg ah loo sii daayo Maraakiibtaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inaan Safaaradda Britain ku leedahay magaalladda Tehran ay ku hawlan tahay arrinta labada Mrakab, wuxuuna sheegay inan la oggolaan Karin qafaalashadaasi.

Markabka Booyadlaha ee Calanka Britain watay oo lagu magacaabo Stena Impero, waxaana la socday 23 Badmaaxiin oo aan u dhalanin dalka UK.

- Advertisement -

Xiriirka Iiraan iyo dalalka Reer Galbeedka aya sii xumaaday, kadib, markii ay Dowladda Britain bishan July 4-dii  ay Markab Booyadle laga lahaa dalka Iiraan ku xanibeen Xeebaha Jabal Daariq oo u dhow dalka Spain, iyagoo sheegay inuu Markabkaasi shidaal u waday dalka Syria.

Dhinaca kale, ilaa 2 Markab Xamuul oo ay Iiraan leedahay ayaa ku xaniban dalka Brazil, kadib, markii Shirkadda Shidaalka Dowladda Brazil ee Petrobras sheegtay inaysan Maraakiibtaasi siin Karin shidaal ay ku dhaqaaqaan, maadaama uu Maraykanka cunaqabatayn ku soo rogay Iiraan.

Labada Markab ee Iiraan ee ku xaniban meel ku dhow Dekedda magaalladda Imbituba ee Koonfurta Brazil waxaa lagu kala magacaabaa Bavand  iyo Termeh.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories