HomeCaalamkaIraan oo gacanta ku dhigtay 2 Markab oo laga leeyahay Britain

Iraan oo gacanta ku dhigtay 2 Markab oo laga leeyahay Britain

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa sheegay inay Iiraan gacanta ku dhigeen 2 Markab oo ay UK lala xiriirinayo, kuwaasi oo marayey Gacan-biyoodka HORMUZ oo u dhow Xeebaha Iiraan. Hadal-qoraal oo uu soo saaray Jeremy Hunt ayuu ku sheegay in Markab Booyadle shidaal oo watay Calanka Britain iyo mid kale oo watay Calanka dalka Liberia, balse lala xiriirinayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa sheegay inay Iiraan gacanta ku dhigeen 2 Markab oo ay UK lala xiriirinayo, kuwaasi oo marayey Gacan-biyoodka HORMUZ oo u dhow Xeebaha Iiraan.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Jeremy Hunt ayuu ku sheegay in Markab Booyadle shidaal oo watay Calanka Britain iyo mid kale oo watay Calanka dalka Liberia, balse lala xiriirinayo dalkiisa shalay lagu qabsaday Gacanka Hormuuz.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay Xukuumadda Britain Kulan Degdeg ah ka yeelan doonaan xaqiiqda dhacdadaasi, isla markaana ay isku hawli doonaan in si degdeg ah loo sii daayo Maraakiibtaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inaan Safaaradda Britain ku leedahay magaalladda Tehran ay ku hawlan tahay arrinta labada Mrakab, wuxuuna sheegay inan la oggolaan Karin qafaalashadaasi.

Markabka Booyadlaha ee Calanka Britain watay oo lagu magacaabo Stena Impero, waxaana la socday 23 Badmaaxiin oo aan u dhalanin dalka UK.

- Advertisement -

Xiriirka Iiraan iyo dalalka Reer Galbeedka aya sii xumaaday, kadib, markii ay Dowladda Britain bishan July 4-dii  ay Markab Booyadle laga lahaa dalka Iiraan ku xanibeen Xeebaha Jabal Daariq oo u dhow dalka Spain, iyagoo sheegay inuu Markabkaasi shidaal u waday dalka Syria.

Dhinaca kale, ilaa 2 Markab Xamuul oo ay Iiraan leedahay ayaa ku xaniban dalka Brazil, kadib, markii Shirkadda Shidaalka Dowladda Brazil ee Petrobras sheegtay inaysan Maraakiibtaasi siin Karin shidaal ay ku dhaqaaqaan, maadaama uu Maraykanka cunaqabatayn ku soo rogay Iiraan.

Labada Markab ee Iiraan ee ku xaniban meel ku dhow Dekedda magaalladda Imbituba ee Koonfurta Brazil waxaa lagu kala magacaabaa Bavand  iyo Termeh.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts