HomeWararSawirro:-Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

Sawirro:-Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

Date:

Related stories

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay’adaha dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland  iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Ujeeddada socdaalka  uu ku gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya magaalada Garoowe ayaa la xiriirta shir weyne socon doona muddo saddex cisho ah oo  halkaa uu ka furayo wasiirka oo la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’).

Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland,Jaamac Faarah Muuse ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu magaalada Garoowe ku soo gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo, wuxuuna sheegay muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta in looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa  ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in xarunta Puntland lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka shaqo abuur ee dalka .

“Dalkan waxaa looga baahanyahay waa shaqo abuur, saddexda maalin ee shirka uu socdo maskaxda ayaan shiileyna, waxaana ka fakerayna siyaasada qaran ee ku wajahan shaqo abuur ee dalkan..shaqo lama abuuri karo haddii aysan jirin xirfadii, xirfadiina way racsantahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada wuxuu caddeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ka go’antahay sidii mustaqbal wanagsan loogu jiheyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories