HomeWararDowladda Urdun oo Cambaareysay Weerarkii ka dhacay Kismaayo

Dowladda Urdun oo Cambaareysay Weerarkii ka dhacay Kismaayo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Urdun, Sufyaan Qudah ayaa sheegay inay Dowladiisa si kulul u cambaareynayaan weerarkii ay Alshabaab ka geysteen magaalladda Kismaayo,oo ay 26 qof ku geeriyootay, 56 kalena ku dhaawacmeen. Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Urdun ka go’an tahay inay DFS iyo Dadka Soomaaliyeed ka taageeraan sidii Nabad iyo Deganaansho loogu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Urdun, Sufyaan Qudah ayaa sheegay inay Dowladiisa si kulul u cambaareynayaan weerarkii ay Alshabaab ka geysteen magaalladda Kismaayo,oo ay 26 qof ku geeriyootay, 56 kalena ku dhaawacmeen.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Urdun ka go’an tahay inay DFS iyo Dadka Soomaaliyeed ka taageeraan sidii Nabad iyo Deganaansho loogu soo celin lahaa Somalia.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu Tacsi u diray  dhamaan qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi, isagoo u rajeeyey caafimaad dadkii kale ee ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Urdun waxa uu mar kale ku celiyey inay Dowladiisa cambaaraynayso fal kasta oo colaad hubeysan oo wax loogu dhimayo dadka Soomaalida.

Dhinaca kale, Dowladda Kanada waxay cambaaraysay weerarkii Alshabaab ka geysteen Hotelka Madiina (Ex-Cascasey) ee magaalladda Kismaayo, oo dadkii lagu dilay ay ku jireen 3 qof oo haystay dhalashadda dalkaasi.

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Arrimaha Caalamka ee dalka Kanada ayuu ku sheegay inay cambaareynayaan weerarkaasi, isla markaana ay Maamulayaasha Jubbaland kala xiriirayaan xogta ku adaan dadka haysta dhalashadda Kanada ee lagu dilay weerarkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiisha Qunsuliyadda Kanada ee magaalladda Nairobi, xiriir la sameeyeen Maamulka Jubbaland oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dadka haystay dhalashadda Kanada ee wax ku noqday weerarkaasi.

Wasiirka Arrimaha Socdaalka, Qaxootiga iyo muwaadinimadda ee dalka Kanada, Axmed Xuseen waxa uu isagana ka tacsideeyey dadklii ku geeriyooday weerarkii Kismaayo

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts