HomeWararSawirro:-Wasaaradda Dastuurka oo Madaxtooyada uga warbixisay howlaha dib u eegista Dastuurka

Sawirro:-Wasaaradda Dastuurka oo Madaxtooyada uga warbixisay howlaha dib u eegista Dastuurka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo Agaasime-waaxeedyo katirsan Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo ay wehliyaan Agaasime-waaxeedyo katirsan Mdaxtooyada Qaranka iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha JFS. Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid warbixin iyo xog ku saabsan arrimaha dastuurka lala wadaagayay masuuliyiinta Madaxtooyada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo Agaasime-waaxeedyo katirsan Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo ay wehliyaan Agaasime-waaxeedyo katirsan Mdaxtooyada Qaranka iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha JFS.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid warbixin iyo xog ku saabsan arrimaha dastuurka lala wadaagayay masuuliyiinta Madaxtooyada Qaranka.

- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa jeediyay warbixin ku saabsan howlihii Wasaaradda u qabsoomay, qorshaha Wasaaradda iyo caqabadaha ku hor-gudboon dhameeystirka Dastuurka.

Agaasime Maxamed Zubeyr ayaa sheegay in qodobada dastuurka ee u baahan wax-kabadal arrimo farsamo ah la soo dhameeystiray balse ay weli wax ka qabasho u baahanyihiin qodobada arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in Wasaaradda ay dedaal badan ku bixisay arrimaha wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ah ee dib-u-eegista dastuurka.

- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Fuudsade ayaa soo jeediyay in xooga la saaro arrimaha wacyigelinta oo dadka aad loo fahansiiyo micnaha dastuurka iyo muuhimadda uu leeyahay, waxuuna ballanqaaday in Madaxtooyada ay garab istaagi doonto Wasaaradda si looga mira-dhaliyo howlaha dhameeystirka dastuurka.

Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in kulanka noocan oo kale ah la joogteeyo si Madaxtooyada Qaranka ay xog-ogaal uga noqoto howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts