HomeCaalamkaDanjirihii UK u joogay Maraykanka oo is-casilay

Danjirihii UK u joogay Maraykanka oo is-casilay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ambassaror Kim Darroch ayaa iska casilay Xilkaasi, kadib, markii uu Khilaaf Diplomaasiyadeed soo kala dhex galay Labada Waddan ee Isbahaysiga ah. Danjiraha waxa uu sheegay inaysan xaalladdan suurtogal u ahayn isaga inuu doorkiisa ciyaaro, kadib, qoraalkii uu Madaxweyne Trump ku sifeeyey Danjiraha inuu yahay qof nacas ah. Danjiraha waxa uu Qoraalkiisa Is-casilaadda ku xusay  inuu […]

- Advertisement -

Ambassaror Kim Darroch ayaa iska casilay Xilkaasi, kadib, markii uu Khilaaf Diplomaasiyadeed soo kala dhex galay Labada Waddan ee Isbahaysiga ah.

Danjiraha waxa uu sheegay inaysan xaalladdan suurtogal u ahayn isaga inuu doorkiisa ciyaaro, kadib, qoraalkii uu Madaxweyne Trump ku sifeeyey Danjiraha inuu yahay qof nacas ah.

- Advertisement -

Danjiraha waxa uu Qoraalkiisa Is-casilaadda ku xusay  inuu Go’aankaasi u qaatay sidii loo soo af-jari lahaa xiisaddan taagan oo aan  suurtogal ka dhigi Karin inuu qaato doorkiisa sida uu jeclaa.

Xafiiska UK ee Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka waxa uu xaqiijiyey inuu Ambassador Kim Darroch oo 65 jir uu maanta iska casilay xilkii Danjirenimo.

Ambassaror Kim Darroch waxa uu ku lug lahaa Dukumenti sir ahaa oo loo  dusiyey Warbaahinta Britain sannadkii 2017-kii.

- Advertisement -

Wuxuuna bishii hore  sheegay in ay Maamulka Trump jahwareer ka qaadeen Go’aankii uu ku joojiyey weerarkii lagu qaadi lahaa dalka Iiraan.

Madaxweyne Trump waxa uu carro kala dul dhacay Danjiraha oo uu sheegay inuusan ka sii shaqeyn Karin Maraykanka, isagoo dhanka kalena eedeeyey Ra’isul-wasaarada Britain ee ka sii degaysa Xilka,Theresa May.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories