HomeCaalamkaMuhaajiriin Soomaali oo lagu qabtay Turkiga

Muhaajiriin Soomaali oo lagu qabtay Turkiga

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay hawlgal ku soo qabteen in ka badan 770 Muhaajiriin sharci-darro ah oo ku sugnaa W/galbeed ee dalkaasi. Hadal ka soo baxay Ciiddanka Turkiga ayaa lagu sheegay in Muhaajiriintaasi lagu soo qabtay Hawlgal muddo 2 maalmood ah ka socday Degmooyink Uzunkopru, Meric iyo Ipsala oo ka tirsan Gobalka […]

- Advertisement -

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay hawlgal ku soo qabteen in ka badan 770 Muhaajiriin sharci-darro ah oo ku sugnaa W/galbeed ee dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Turkiga ayaa lagu sheegay in Muhaajiriintaasi lagu soo qabtay Hawlgal muddo 2 maalmood ah ka socday Degmooyink Uzunkopru, Meric iyo Ipsala oo ka tirsan Gobalka Edirne oo xuduud la leh dalalka Giriigga iyo Bulgaria.

- Advertisement -

Boqolaalka Muhaajiriinta sharci-daradda ee lagu qabtay dalka Turkiga waxaa la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Somalia, Masar, Morooko, Algeria, Liibiya, Gini, Iiraan, Syria, Pakistan, Bangaladesh iyo Afganistan.

Dhinaca kale, Kooxda Samafalayaasha Jarmalka ee Isha Badda ama Sea-Eye ayaa sheegtay in Markab ay leeyihiin oo ay la socdaan 65 Muhaajiriin laga soo badbaadiyey meel ka baxsan Badda dalka Liibiya uu ku wajahan yahay Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Hadal ka soo baxay Kooxda Sea-Eye waxay ku sheegeen inuu weli Markabkooda lagu magacaabo Alan Kurdi oo ay saaran yihiin 65 Muhaajiriin inuu weli ku sugan yahay Badda Caalamiga, isla markaana aysan doonaynin in mar kale uu muran dhex maro  Maamulayaasha Talyaaniga.

- Advertisement -

Kooxda Samafalayaasha ee Sea-Eye waxay sheegeen inay Markabka u weecin doonaan Dekedda ugu dhow ee Nabadda ah.

48 Muhaajiriin u dhalatay dalka Somalia ayaa la sheegay inay ka mid yihiin  65-ka Muhaajiriin ee weli dul saaran Markabka Alan Kurdi sida ay sheegtay Kooxda leh Markabka soo badbaadiyey Muhaajiriintaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories