HomeCaalamkaHoggaamiyaha Hong Kong oo ka laabatay Go’aan ay qaadatay

Hoggaamiyaha Hong Kong oo ka laabatay Go’aan ay qaadatay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Hoggaamiyaha Jesiiradda Hong Kong ee hoos tagta Maamulka Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inuu dhintay Mooshinkii ay Barlamaanka Hong Kong ugu codeeyeen in Shiinaha loo masaafurin karo dadka si loogu maxkamadeeyo.

Hoggaamiyaha Hong Kong, haweeneyda lagu magacaabo Carrie Lam waxay shalay Barlamaanka ka sheegtay inqorshihii uu Maamulkeeda ku oggolaan lahaayeen in dadka loo gudbiyo Shiinaha uu meesha ka baxay oo uu qorshahaasi yahay mid dhintay.

- Advertisement -

Hadalkeeda ayaa soo baxay, kadib, markii ay Dibadbaxyo ballaaran ka dhaceen Jesiiradda oo looga soo hor jeedo Go’aankaasi.

Hoggaamiyaha Jesiiradda Hong Kong waxay kaloo sheegtay inuu gebi ahaan fashilmay go’aankaasi

Bartamihii bishii June, Carrie Lam waxay Dibadbaxayaasha u sheegtay  in la joojiyey Go’aankaasi, balse, Dibadbaxayaasha waxay sii wadeen Dibadbaxyadooda rabshadaha lahaa, iyagoo gudaha u galay Xaruntii Barlamaanka.

- Advertisement -

Dibadbaxayaasha waxay kaloo ku baaqeen inay is-casisho Carrie Lam oo ah Hoggaamiyaha Hong Kong

Xiisadaasi ayaana ah tii ugu weynayd ee soo wajahday Xukunka Shiinaha ee Jesiiradda Hong Kong oo Maamulista Jesiiradaasi dib loogu gacan geliyey sannadkii 1997-dii.

Si kastaba ha ahaatee, Jesiiradda Hong Kong oo horey gacanta ugu jirtay Britain ayaa waxay qeyb ka yihiin Shiinaha, inkastoo ay Labo Nidaam ku kala dhaqmaan oo kala duwan.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories