HomeCaalamkaProf. Cali Maxamed Geeddi oo ku tilmaamay Khilaafka Somalia iyo Kenya Isfaham...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku tilmaamay Khilaafka Somalia iyo Kenya Isfaham La’aan Siyaasadeed

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladii KMG, Prof. Cali Maxamed Geedi waxa uu ugu baaqay Dowladaha Somalia iyo Kenya inay ka fogaadaan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee ka dhashay muranka Xuduud-baddeedka ee Badweynte Hindiya. Prof. Geeddi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo ay Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU  maanta kula yeesheen  magaalladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladii KMG, Prof. Cali Maxamed Geedi waxa uu ugu baaqay Dowladaha Somalia iyo Kenya inay ka fogaadaan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee ka dhashay muranka Xuduud-baddeedka ee Badweynte Hindiya.

Prof. Geeddi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo ay Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU  maanta kula yeesheen  magaalladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, wuxuuna xusay inay Dowladda Kenya marti-gelisay in ka badan 500,000 oo Qaxooti Soomaali ah kadib  burburkii Dowladnimo ee Somalia sannadkii 1991-kii.

- Advertisement -

“Kenya caddow kuma noqon karto Somalia, sidaas oo kale, Somaliyana caddow kuma noqon karto Kenya” ayuu yiri Prof. Geeddi oo Ra’isul-wasaare ka soo noqday Dowladdii KMG muddadii u dhexeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2007-dii.

Waxa uu sii raaciyey inay Labada dal caddow isku noqon Karin, maadaama ay Muwaadiniin badan oo Kenyan asalkooda Somalia yahay iyo Muhaajiriin Soomaali ah deggan yihiin gudaha dalka Kenya

Prof. Geeddi waxa uu Wareysigiisa ku sheegay in Khilaafka haatan ka dhex aloosan Somalia iyo Kenya uu ku salaysan yahay Is-faham La’aan Siyaasadeed, wuxuuna labada Dowladooda ugu baaqay inay helaan wadiiqad kale oo looga bixi karo Colaadda taagan.

- Advertisement -

“Haddii aan wadaagno danno badan, oo ay jirto hal colaad, waa iska caadi  in meel la iska dhigo colaadda keliya, lana garwaaqsado danaha kale ee u dhexeeya Labada Waddan” ayuu yiri Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG.

Dhinaca kale, waxa uu Prof. Cali Maxamed Geeddi soo hadal-qaaday sida ay Dowladaha Kenya iyo Uganda meel isaga dhigeen Khilaafkooda ku aadan Lahaanshaha Jesiiradda Milgingo Island, isla markaana ay  weli iskaashanayaan.

Xigasho: AA

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts