HomeCaalamkaDad ku geeriyooday Shil ka dhacay Hindiya

Dad ku geeriyooday Shil ka dhacay Hindiya

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku geeriyootay, 18 kalena wey ku dhaawacmeen Bas waaberigii hore ee saakayto ku qalibmay meel ku dhow Degmadda Agra ee Gobalka Uttar Pradesh ee Waqooyiga dalkaasi. Afhayeenka Dowladda Hindiya, Awanish Awasthi ayaa sheegay in Baskaasi oo xawli ku socday uu ku dhacay Biraha Waddooyinka dhinacooda ka sameysay ee loogu talagalay inay maraan dadka lugeynaya. Inta badan […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku geeriyootay, 18 kalena wey ku dhaawacmeen Bas waaberigii hore ee saakayto ku qalibmay meel ku dhow Degmadda Agra ee Gobalka Uttar Pradesh ee Waqooyiga dalkaasi.

Afhayeenka Dowladda Hindiya, Awanish Awasthi ayaa sheegay in Baskaasi oo xawli ku socday uu ku dhacay Biraha Waddooyinka dhinacooda ka sameysay ee loogu talagalay inay maraan dadka lugeynaya.

- Advertisement -

Inta badan rakaabkii la socday Baska ayaa la sheegay inay hurdayeen xilligii uu shilku dhacayey, wuxuuna Baska ku wajahnaa caasimadda dalkaasi ee New Delhi.

Baska oo ay lahayd shirkadda Basaska ee Yamuna Expressway waxa uu ka soo ambabaxay  magaalladda Lucknow oo ah Caasimadda Gobalka Uttar Pradesh.

Afhayeenka Dowladda Hindiya, Awanish Awasthi waxa uu tilmaamay inay Boliska baarayaan waxa sababay shilkaasi.

- Advertisement -

Dalka Hindiya waxa uu leeyahay waddooyinka ugu dhimashadda badan ee Calaamka, waxaana shilalkaasi sannadkiiba ku geeriyoota 150,000 oo qof, halka 470,000 oo kalena ku dhaawacmaan.

Inta badan shilalkaasi waxaa loo aaneeyaa khibrad-xumida Dareewaladda, Waddooyinka oo aan hagaagsanayn iyo gaadiidka laga isticmaalo dalkaasi oo wada duug ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories