HomeCaalamkaXuutiyiinta oo Duqeeyay Markab, Garoon iyo Warshad Koronto

Xuutiyiinta oo Duqeeyay Markab, Garoon iyo Warshad Koronto

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Afhayeenka Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga, Kolonel Turki Almaaliki ayaa sheegay inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta weerareen Markab Ganacsi oo marayey Badda Cas. Waxa uu tilmaamay inay Xuutiyiinta u adeegsadeen Dooni nooca aan la wadin inay ku weeraraan Markabkaasi oo marayey Biyaha Koonfureed ee Badda Cas, wuxuuna xusay inay burburiyeen Doonidii fulisay weerarkaasi. Ma uusan sheegin dalka laga […]

- Advertisement -

Afhayeenka Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga, Kolonel Turki Almaaliki ayaa sheegay inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta weerareen Markab Ganacsi oo marayey Badda Cas.

Waxa uu tilmaamay inay Xuutiyiinta u adeegsadeen Dooni nooca aan la wadin inay ku weeraraan Markabkaasi oo marayey Biyaha Koonfureed ee Badda Cas, wuxuuna xusay inay burburiyeen Doonidii fulisay weerarkaasi.

- Advertisement -

Ma uusan sheegin dalka laga lahaa Markabka la weeraray iyo haddii ay jiraan khasaaro soo gaaray Badmaaxiinta iyo shidaalkii uu waday.

Dhinaca kale, Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay sheegeen inay xalay Daroonis ku weerareen Garoon ku yaalla magaalladda Abha iyo Wershad Koronto oo ku wada yaalla magaalladda Abha ee Koonfurta Sacuudiga.

Isbahaysiga Sacuudiga waxay sheegeen inay hawada ku burburiyeen wax u muuqday Diyaarad Daroon oo dul-maraysay Graoonka Diyaraadaha ee Abha.

- Advertisement -

Telefishinka Alarabiya oo ay Dowladda Sacuudiga leedahay ayaa sheegay in xaalladda Garoonka caadi tahay, kadib, markii la burburiyey Daroonkii lagu soo weeraray.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories