HomeWararSomaliland oo ka hadashay go’aanka xiriirka loogu jaray dalka Guinea

Somaliland oo ka hadashay go’aanka xiriirka loogu jaray dalka Guinea

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xidhiidhka u jartay dalka Guinea kaddib, markii sida ay sheegeen Guinea ku soo dhawaysay Somaliland heer soo dhaweyn sare ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay gebi ahaanba xidhiidhkii u jareen laga bilaabo saacaddaas, dalka la yidhaahdo Jamhuuriyadda Guinea ee caasimaddiisu tahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xidhiidhka u jartay dalka Guinea kaddib, markii sida ay sheegeen Guinea ku soo dhawaysay Somaliland heer soo dhaweyn sare ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay gebi ahaanba xidhiidhkii u jareen laga bilaabo saacaddaas, dalka la yidhaahdo Jamhuuriyadda Guinea ee caasimaddiisu tahay Conakary. Waxaana uu ku sababeeyey in dalkaasi ku xadgudbeen qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxa uuna yidhi: “maalmahan waxaa soo badanayey dalalka xadgudub yadaaas oo kale samaynaya, meel ka dhacna ku ah midnimada Soomaaliyeed, waxaana la soo gaadhay xilligii aannu dunida u sheegi lahayn in xukuumadda federaalka aysan u dulqaadanayn xadgudub”

Haddaba, tan iyo markii ay sidaasi sheegtay xukuumadda Soomaaliya ayay BBC-du la xidhiidhay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ka tirsan wefdiga Madaxweyne Biixi ee booqashada ku jooga Guinea, waxaana uu kaga jawaabay hadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya: “waxaa na soo gaadhay in maamulka xamar sida ay yidhaahdeen ay calaaqaad u gooyeen dalka la yidhaahdo Guinea, oo ay ka xun yihiin booqashadayada, arrintaa waxaannu u aragnaa inay maangaabnimo iyo aragti la’aani ku dheehan tahay. Aad mooddidna in ay ku qanacsan yihiin in Somaliland ay u xidhan tahay, nasiib darro se malaa ma oga in Somaliland cilaaqaad la leedahay dalal badan oo caalamka ah oo Afrika ah, Bariga Dhexe iyo Yurub ka jira oo marar hore nagu soo dhaweeyey habmaamuuska qaran looga baahan yahay”

Wasiir Faratoon oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay arrintan u arkaan cadaawad iyo kalafogayn cusub oo u bilawday.

- Advertisement -

Dhawaan ayay ahayd, markii Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland iyo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya wadahadal ay ku ballansanaayeen magaalada Nayroobi uu qabyoobay, kaddib markii ay san kasoo qaybgelin wefdigii ugu qaybgeli lahaa Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts

Popular

spot_img
spot_img