HomeCaalamkaDowladda Liibiya oo ku eedeysay Masar weerarkii lagu qaaday Xarunta Muhaajiriinta Tajoora...

Dowladda Liibiya oo ku eedeysay Masar weerarkii lagu qaaday Xarunta Muhaajiriinta Tajoora ee dalkaasi

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

  Madaxa Golaha Sare ee Dowladda Liibiya (HCS), Khaalid Al-Mishri waxa uu ku eedeeyey Dowladda Masar inay kaalun ku lahayd weerarkii Diyaaradaha ee waaberigii hore ee maanta oo Arbaco ah lagu qaaday Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta ee Tojara ee Bariga caasimadda dalka Libiya ee Tripoli. Qoraal uu Mas’uulkaasi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay […]

- Advertisement -

 

Madaxa Golaha Sare ee Dowladda Liibiya (HCS), Khaalid Al-Mishri waxa uu ku eedeeyey Dowladda Masar inay kaalun ku lahayd weerarkii Diyaaradaha ee waaberigii hore ee maanta oo Arbaco ah lagu qaaday Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta ee Tojara ee Bariga caasimadda dalka Libiya ee Tripoli.

- Advertisement -

Qoraal uu Mas’uulkaasi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Waddan haatan madax ka ah Ururka Midowga Afrika (oo uu ula jeeday Masar) inay tahay cidda ka mas’uulka ah duqeynta diyaaradaha ee lala beegsaday Muhaajiriinta Afrikaanka ee lagu hayo Xarunta Tajoora, kuna geeriyodeen in ka badan 40-qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 130-kale.

Waxa uu intaasi ku daray inay waajib tahay inay Guddiga Xaqiiqo-raadin ee QM la xisaabtamaan dadkii geystay Dembigaasi.

Dhinaca kale, Golaha Sare ee Dowladda Liibiya (HCS) waxay soo saareen Hadal-qoraal oo ay ku cambaareeyeen weerarka ka dhacay Xarunta Tajoora ee lagu dilay 44 Muhaajiriin, laguna dhaawacay Tobaneeyo kale, waxayna ku eedeeyeen in Khaliifa Xaftar duqeyntaasi.

- Advertisement -

Golaha HCS waxay ugu baaqeen Hawlgalka QM ee Taageerida Nabadda dalka Liibiya ee UNSMIL inay Guddi Xaqiiqo-raadin ah soo diraan, si ay u eegaan Khasaaraha soo gaaray Nolosha Muhaajiriinta iyo Dhismihii hoyga u ahaa.

Goluhu waxay kaloo sheegeen inay la xiriireen Dowlado iyo Ururo si ay u arkaan Dembiilenimadda weerarkaasi oo wax u dhimi kara dadaalka dhabta ee ay Beesha Caalamka ku doonayaan in Dembiilayaasha Dagaalka ee dalka Liibiya la hor geeyo Garsoorka.

DAAWO MUUQAALKA DHACDADA NAXDINTA LEH EE DUQEYNTA LALA BEEGSADAY MUHAAJIRIINTA:

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories