HomeCaalamkaGaroonka Diyaaradaha ee Tripoli oo caawa la duqeeyey, lana hakiyey Duullimaadkii

Garoonka Diyaaradaha ee Tripoli oo caawa la duqeeyey, lana hakiyey Duullimaadkii

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Diyaaradaha Dagaalka ee Khaliifa Xaftar ayaa la sheegay inay caawa duqeyn cusub la beegsadeen Garoonka Calaamiga ee Mitiga ee caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli. Maamulka Garoonka waxay bartooda Facebook-ga ku sheegeen in la joojiyey Duullimaadyadii Diyaaradaha ee Garoonka Tripoli, kadib, markii ay Ciiddanka Cirka ee Khaliifa Xaftar duqeymo cusub caawa ka geysteen Garoonka. Ilo-wareedyo ka […]

- Advertisement -

Diyaaradaha Dagaalka ee Khaliifa Xaftar ayaa la sheegay inay caawa duqeyn cusub la beegsadeen Garoonka Calaamiga ee Mitiga ee caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli.

Maamulka Garoonka waxay bartooda Facebook-ga ku sheegeen in la joojiyey Duullimaadyadii Diyaaradaha ee Garoonka Tripoli, kadib, markii ay Ciiddanka Cirka ee Khaliifa Xaftar duqeymo cusub caawa ka geysteen Garoonka.

- Advertisement -

Ilo-wareedyo ka tirsan Qeybta Duullimaadyadda ayaa sheegay inay Diyaarad Daroonis oo ay Ciiddanka Xaftar leeyihiin ay wax ka badan hal mar duqeeyeen, balse, lama sheegin faahfaahinta khasaaraha soo gaaray Garoonka.

Dhinaca kale, afhayeenka Ciiddanka Xaftar oo lagu magacaabo Axmed Al-Mismari ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu burburiyey qolka laga hago Diyaaradaha Draooniska ee Milliteriga Dowladda Liibiya.

- Advertisement -

Balse, ilo ka tirsan Garoonkaasi ayaa beeniyey sheegashadaasi, waxayna sheegeen in in la  duqeeyey qeybta Duullimaadka Rayidka ee Garoonka.

Ma aha markii ugu horreysay ee Garoonka Mitiga Airport ee magaalladda Tripoli la duqeeyo, iyadoo weerarkii ugu dambeeyey dhacay 2 maalmood ka hor.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories