HomeCaalamkaDEGDEG: In ka badan 40 Muhaajiriin oo lagu dilay Xarun ku...

DEGDEG: In ka badan 40 Muhaajiriin oo lagu dilay Xarun ku taalla Liibiya

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

In ka badan 40 Muhaajiriin ayaa geeriyootay, 80 kalena wey ku dhawaacmeen, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka ee Ciiddanka Khaliifa Xaftar xilli dambe oo xalay ahayd duqeeyeen Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta ee Tajuura oo ku taalla Bartamaha caasimadda dalkaasi ee Tripoli. Afhayeenka Adeegga Gurmadka ee Dowladda Liibiya ee ay QM taageersan tahay, maalik Mersek waxa […]

- Advertisement -

In ka badan 40 Muhaajiriin ayaa geeriyootay, 80 kalena wey ku dhawaacmeen, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka ee Ciiddanka Khaliifa Xaftar xilli dambe oo xalay ahayd duqeeyeen Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta ee Tajuura oo ku taalla Bartamaha caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Afhayeenka Adeegga Gurmadka ee Dowladda Liibiya ee ay QM taageersan tahay, maalik Mersek waxa uu sheegay in Xarunta Muhaajiriinta ee la duqeeyey ay ku taallo meel ku dhow Xero Milliteri.

- Advertisement -

Sawiro lagu soo daabacay Warbaahinta dalkaasi iyo Baraha Bulshadda waxay muujinayaan Muhaajiriin Afrikaan ah oo qaliin lagu samaynayo, kadib, duqeyntaasi iyo Muhaajiriin kale oo dul saaaran Sariiraha, halka kuwo kale uu boor miiran ahaa jirkooda iyo kuwo kale oo Faashado looga xiray Gacmaha.

Weli lama xaqiijinin dalalka ay u dhasheen Dhibanayaasha ay waxyeelladu ka soo gaartay Duqeymahaasi, waana khasaarihii ugu badnaa ee hal mar soo gaara Muhaajiriinta oo iyagu horey ugu le’an jirey Badda.

- Advertisement -

LA SOCO FAAHFAAHIN KALE

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories