HomeCaalamkaMadaxweynayaasha Uganda iyo Sierra Leone oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia iyo...

Madaxweynayaasha Uganda iyo Sierra Leone oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni iyo dhigiisa dalka Sierra Leone, Juliyus Maada  Bio waxay Kulan ku yeesheen Aqalka Mdaaxtooyadda ee magaalladda Entebbe ee dalka Uganda. Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Dal, Ololaha Uganda ee looga hortegayo Cuddurka Ebola, Deganaanshaha dalka Sierra Leone, Xaalladda dalalka Somalia iyo Sudan iyo Hawlgalka AMISOM. War-murtiyeed laga soo saaray […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni iyo dhigiisa dalka Sierra Leone, Juliyus Maada  Bio waxay Kulan ku yeesheen Aqalka Mdaaxtooyadda ee magaalladda Entebbe ee dalka Uganda.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Dal, Ololaha Uganda ee looga hortegayo Cuddurka Ebola, Deganaanshaha dalka Sierra Leone, Xaalladda dalalka Somalia iyo Sudan iyo Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

War-murtiyeed laga soo saaray Kulanka Labada Madaxweyne waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen inay taageeraan dadaalka Hawlgalka AMISOM ee lagu saacidayo DFS.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo sheegeen inay ka go’an tahay inay sii wadaan  Taageeradda ay sida dhow ula shaqeeyaan Ururka Midowga Afrika (AU)-da, QM iyo Urur-gobaleedyadda, si nabad loogu soo dabaalo dalalka Somalia iyo South Sudan.

Dhinaca kale, Labada Hoggaamiye waxay isku raaceen Iskaashiga Guud ee Jadwalka shaqo ee Heshiisyadda iyo La-tashiga Siyaasadeed Heshiisyadda ay labada waddan gaaraan.

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Sierra Leone, Julius Maada Bio oo 55-jir ah waxa uu shalay booqasho 3 maalmood ah ku tegay dalka Uganda, waana booqasahadii ugu horreysay ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii Xilka Madaxweynaha loo doortay bishii May ee sannadkii hore ee 2018-ka.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories