HomeCaalamkaTrump oo la kulmay Kim Jong, noqdayna Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykan...

Trump oo la kulmay Kim Jong, noqdayna Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykan ee cagta saara Waqooyiga Kuurya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweyne Trump  waxa uu maanta Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un kula kulmay  Tuullo ku taalla xuduudka hubka ka caagan ee kala qeybiya Labada Kuurya Waa Kulankii saddexaad ee ay Labada Hoggaamiye yeeshaan labadii sanno ee la soo dhafay, iyadoo wada-xaajoodkooda  looga dan leeyahay sidii ay Dowladda Waqooyiga Kuurya uga tanaasuli lahayd Barnaamijkooda Nukliyeerka.   […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Trump  waxa uu maanta Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un kula kulmay  Tuullo ku taalla xuduudka hubka ka caagan ee kala qeybiya Labada Kuurya

Waa Kulankii saddexaad ee ay Labada Hoggaamiye yeeshaan labadii sanno ee la soo dhafay, iyadoo wada-xaajoodkooda  looga dan leeyahay sidii ay Dowladda Waqooyiga Kuurya uga tanaasuli lahayd Barnaamijkooda Nukliyeerka.

 

Trump iyo Kim waxay saakayto ku kulmeen qeybta Koonfureed ee Tuulladda Panmunjom oo ku taalla xuduudka Hubka ka caagan ee kala qeybiya Labada Kuurya.

- Advertisement -

Socdaalka kooban ee uu Trump ku tegay Xuduudka waxay noqotay mid taariikhi ah,  waana markii ugu horreysay ee Madaxweyne Maraykan ah cagta saaro dhulka dalka Waqooyiga Kuurya ee uu hoggaamiyo Jim Jong Un oo lagu naanayso  “Little rocket man”

Trump iyo Kim waxay wada galeen Sawir iyo Isa Salaamid dhoola-caddayn lahayd, waana markii 3-aad ee ay weji-ka-weji u kulmaan

Madaxweyne Trump oo Kim Jong Un kula kulmay Aqalka Xorriyadda ee Tuulladda Panmunjom ee dhinaca dalka Koonfurta Kuurya waxa uu xusay inay farxad weyn u tahay inuu ka tallaabo Khadka kala qeybiya Labada Kuurya.

- Advertisement -

Waxa uu sii raaciyey: “Waa maalin ku weyn Caalamka”.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankii ay Trump iyo Kim Jong bilowgii sannadkan ku yeesheen dalka Vietnam ayaa fashilmay iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin Nukliyeer-ka-dhigista Waqooyiga Kuurya.

Labada Hoggaamiye waxay Kulaankoodii ugu horreeyey ku yeesheen dalka Singapore bishii June 12-dii ee sannadkii 2018-kii, kaasi oo ay ku kala saxiixdeen Heshiis lagu sheegay in lagu burburin doono Hubka Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts