HomeCaalamkaHaraagii Maydka Ganacsade Soomaaliyeed oo laga helay dalka Koonfur Afrika

Haraagii Maydka Ganacsade Soomaaliyeed oo laga helay dalka Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Mayd la rumeysan yihiin inuu ahaa Ganacsade Soomaaliyeed oo la oran jirey Maxamed C/llaahi Xasan ayaa waxaa laga soo saaray dhul-kaymeed u dhow degaanka Bakenberg oo u dhow Degmadda Mahwelereng ee Gobalka Limpopo ee dalkaasi. Marxuumka oo 26-jir ahaa waxaa la sheegay in la dilay, lana dhacay bishii June 24-dii ee sannadkii hore, iyadoo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mayd la rumeysan yihiin inuu ahaa Ganacsade Soomaaliyeed oo la oran jirey Maxamed C/llaahi Xasan ayaa waxaa laga soo saaray dhul-kaymeed u dhow degaanka Bakenberg oo u dhow Degmadda Mahwelereng ee Gobalka Limpopo ee dalkaasi.

Marxuumka oo 26-jir ahaa waxaa la sheegay in la dilay, lana dhacay bishii June 24-dii ee sannadkii hore, iyadoo ay Dembi-baarayaasha dalkaasi ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigeen Gacan-ku-dhiiglihii iyo Gaarigii Marxuumka lahaa ee lagu dhex dilay.

- Advertisement -

Afhayeenka Boliska Gobalka Limpopo,  Kolonel Moatshe Ngoepe ayaa sheegay inay Baarayaasha ku takhasusay baaritaanka dadka la dilo ay weli ku guda jiraan si ay u xaqiijiyaan inuu maydkaasi yahay Ganacsadaha Soomaalida ee la oran jirey Maxamed C/llaahi Xasan.

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay bishii la soo dhaafay ee May 2-dii gacanta ku dhigeen Gacan-ku-dhiiglaha oo 26-jir ah, kaasi oo qirtay inuu dilay Marxuumka.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo horey shaqaale u ahaa Marxuumka waxa uu tilmaamay inuu ka codsaday inuu ka codsaday inuu horey u sii qaado, kadibnah markii uu gaariga la soo raacay uu Toorey la dhacay ilaa uu ka geeriyooday Marxuumka.

Eedeysanaha waxa uu Marxuumka ka dhacay Lacagtii, kadibna waxa uu kaxeeyey gaariga, isagoO Marxuumka ku aaday dhulka hawdka leh ee ay Boliska ka soo heleen maydkiisa.

Sidoo kale, Boliska waxay Gaariga Marxuumka ka soo heleen duleedka Deegaanka Polokwane bishii April 24-dii ee sannadkan, kadib, markii loo soo far muuqay Gacan-ku-dhiiglihii iyo gaariga Marxuumka.

Eedeysanaha oo bishan 25-dii ka soo hor muuqday Maxkamadda magaalladda Seshego, waxaa dhegeysiga dacwadiisa dib loo dhigay ilaa bisha soo socota ee Augsut 5-da, si loogu oggolaado Boliska inay sameeyaan Baaritaano kale oo dheeraad ah.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts