HomeCaalamkaSawirro:-Ciidanka Khaliifa Xaftar oo laga qabsaday Hub badan iyo Daroonis

Sawirro:-Ciidanka Khaliifa Xaftar oo laga qabsaday Hub badan iyo Daroonis

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciiddanka Dowladda Libya ee ay QM taageerto ayaa sheegay inay Hubkaasi ka heleen Saldhig Milliteri oo ay Ciiddanka Khaliifa Xaftar  ku lahaayeen Degmadda Qaryan oo dhanak Koonfur kaga toosan caaasimadda dalkaasi ee Tripoli. Afhayeenka Dowladda Liibiya, Maxamed Qunuu oo Suxufiyiinta kula hadlay Saldhigga Qaryaan waxa uu soo bandhigay Hub, Daroonis iyo Gantaalo lagu farsameeyey Maraykanka […]

- Advertisement -

Ciiddanka Dowladda Libya ee ay QM taageerto ayaa sheegay inay Hubkaasi ka heleen Saldhig Milliteri oo ay Ciiddanka Khaliifa Xaftar  ku lahaayeen Degmadda Qaryan oo dhanak Koonfur kaga toosan caaasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Afhayeenka Dowladda Liibiya, Maxamed Qunuu oo Suxufiyiinta kula hadlay Saldhigga Qaryaan waxa uu soo bandhigay Hub, Daroonis iyo Gantaalo lagu farsameeyey Maraykanka iyo Shiinaha iyo Hub kale oo ay Dowladda Imaaraadka ku tagaeertay Ciiddanka Khaliifa Xaftar.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in Hubka ay qqabsadeen ku jiraan Gantaalladda Lidka Taangiyadda ee Javelin oo lagu farsameeyo Maraykanka, oo calaamadda Ciiddanka Imaaraadka ka muuqdaan sanaadiiqda ay ku jireen Gantaaladaasi.

Warbaahinta Liibiya waxay sheegeen in hubka la soo bandhigay ay ku jireen Diyaarado Dagaal, kuwo Daroonis iyo Gaadiidka Milliteriga oo la sheegay inay Dowladda Imaaraadka ugu deeqday Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee dagaalka kula jira ciiddanka dowladda dalkaasi ee ay QM aqoonsan tahay.

Dhinaca kale, Wargeyska The New York Times waxa uu qoray inuu Danjiraha Imaaraadka u jooga Maraykanka, Yuusuf Al-cutayba ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalo ku aadanaa Gantaalladda ay Dowladda Liibiya soo bandhigtay.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories