HomeCaalamkaEedeysanayaal qirtay inay qarxin lahaayeen Xaruun Islaam oo ku taalla Mareykanka

Eedeysanayaal qirtay inay qarxin lahaayeen Xaruun Islaam oo ku taalla Mareykanka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Saddex nin ayaa lagu soo eedeeyey inay qorsheynayeen inay bam ku qarxiyaan Xarunta Mujtamaca Islaamka oo ku taalla magaalladda New York ee dalkaasi. Eedeysanayaasha oo shalay la soo taagay Maxkamadda waxay qirteen inay  geysteen Dembiyo Argagixiso o oay ku doonayeen inay ku qarxiyaan Xaruunta Islaamka ee Islamberg oo 250-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda New […]

- Advertisement -

Saddex nin ayaa lagu soo eedeeyey inay qorsheynayeen inay bam ku qarxiyaan Xarunta Mujtamaca Islaamka oo ku taalla magaalladda New York ee dalkaasi.

Eedeysanayaasha oo shalay la soo taagay Maxkamadda waxay qirteen inay  geysteen Dembiyo Argagixiso o oay ku doonayeen inay ku qarxiyaan Xaruunta Islaamka ee Islamberg oo 250-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda New Yorrk.

- Advertisement -

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Vincent Vetromile oo 20-jir ah, Andrew Crysel oo 19-jir ah iyo  Brian Colaneri oo 20-jir ah waxaa la xiray bishii Janaayo ee sannadkan, kadib, markii uu Arday  ku soo  wargeliyey Boliska qorshaha ay raggaasi damacsan yihiin.

Baaritaan ay Boliska sameeyeen waxay ku soo heleen 23 bistoolad iyo tiro qaraxyada nooca lagu farsameeyo Guryaha oo ay Eedeysnayaaasha u adeegsan lahaayeen weerar ay ku qaadaan Xaruunta Islaamiga eee Islamberg.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha waxaa la filayaa in xukunkooda lagu dhawaaqo bisha Augsut 8-da, iyago omuteysan doona Xabsi u dhexeeya 4 sanno, 7-sanno iyo 12-sanno.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories