HomeCaalamkaGabar Soomaali oo ku hafatay Webi ku yaalla dalka Britain

Gabar Soomaali oo ku hafatay Webi ku yaalla dalka Britain

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Gabar lagu magacaabi jirey Shukri Yaxye Cabdi oo 12 jir ah ayaa waxay habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ku hafatay Webiga Inwelli oo ku yaalla magaalladda  Bury  ee Greater Manchester  ee Gobalka England ee dalka Britain. Saraakiisha Boliska Manchester weyn  ayaa loo yeeray markii ay gabadha ku hafatay Webiga, iyadoo Kooxaha Quusayaasha ka soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gabar lagu magacaabi jirey Shukri Yaxye Cabdi oo 12 jir ah ayaa waxay habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ku hafatay Webiga Inwelli oo ku yaalla magaalladda  Bury  ee Greater Manchester  ee Gobalka England ee dalka Britain.

Saraakiisha Boliska Manchester weyn  ayaa loo yeeray markii ay gabadha ku hafatay Webiga, iyadoo Kooxaha Quusayaasha ka soo heleen maydkeeda.

- Advertisement -

Gabadhaasi oo arday ahayd ayaa la rumeysan yahay inay iyada iyo hooyadeeda dalka Britain tageen bil ka hor, sida ay qaar ka mid ah Qaraabadeeda u sheegeen Wargeyska The Manchester Evening News

Marxuumadda Adeerkeeda oo lagu magacaabo Mustafa Omar waxa uu u sheegay Wargeyska The Manchester Evening News  inaysan gabadha aqoonin qaabka loo dabaasho, wuxuuna xusay inay Hooyadeeda ka argagaxday geerida gabadheeda yar.

Waxa uu intaasi ku daray inay ahayd gabar fiican oo Qaxooti ahaan u timid dalka Britain, isla markaana ay ku cusbayd Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool Britain.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Maama Zamzam Tuure oo iyadoo la ilmeynaysa la hadashay isla Wargeyskaasi waxay sheegtay inay gabadheeda ahayd qof cajiib ah, deggan oo rajo wacan lahayd,isla markaana ay wada tebi doonaan iyada iyo  Walaalaheeda

Geerida Shukri Yaxye Cabdi, waxa uu ku soo beegmay saacado kadib, markii 2 nin oo da’dooda kala ahayd 25-jir iyo 26-jir maydkooda laga soo saaray Xeebta magaalladda Devon oo ah magaalladda 4-aad ee ugu weyn Gobalka England ee dalka Britain.

Xilligan oo ay dalka Britain iyo dalal kale ee Europe ka jirto Kulayl daran ayaa waxay dadka inta badan ku dabaashaan Webiyadda, Harrooyinka  iyo Badda, iyagoo  qabow ka raadsanaya, iyadoo  heer-kulku Britain gaaray  ugu yaraan 30 digirii oo Sentigareedh ama 80 digirii oo Ferenhayt ah.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts